Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa maanta socdaal taariikhi ah ku tagaya magaalada Asmara ee dalka Eritrea.
Socdaalkan madaxweynaha Soomaaliya uu maanta ku tagayo magaalada Asmara sidoo kale waxaa xaqiijiyay wasiirka arrimaha dibeda xukuumadda Asmara, waxaana lagu wadaa uu uu kulan rasmi ah...
Madax-weynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi ballaaran oo uu horkacayo ayaa lagu wadaa in maalinta berri ah booqasho taariikhi ah ku tagaan magaalada Asmara ee dalka Eritrea.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle oo xogta arintan ku saabsan la wadaagay Warbaahinta ayaa sheegay in madaxweynuhu hogaamin...
Wasiiru-dowlaha Wasaarrada Arr Diinta iyo Aw-qaafta dowladda Soomaaliya ahna ku-simaha Wasiirka Diinta Cabdixakiin Xassan Ashkir ayaa sheeegay isaga oo ku sugan dalka Boqortooyada Saudi Arabia in la bilaabayo soo qaadista xujeyda Soomaaliyeed ee guda-naya sanadkan waajibaadka Xajka.
Wasiirka ayaa sheegay in Shan Shirkadood ka shaqeyn doonaan soo qaadista xujeyda Soomaalida,...
Guddiga Doorashada Pakistan ayaa sheegay in cayaaryahankii hore ee isku beddelay siyaasaiga, Imran Khan, uu ku guuleystay doorashadii baarlamanka ee dalkaas ka dhacday, hase yeeshee xisbigiisa uusan helin codad ku filan si uu dowlad usoo dhiso.
Ku dhawaaqistan ayaa timid saacado kadib markii Khan uu sheegtay in xisbigiisa PT uu...
Dawladda Turkiga oo Cambaareysey Weerar Xuutiyiinta Yemen ku Qaadeen Markab Sucuudiga laga Leeyahey.
Dowladda Turkiga ayaa cambaareysay weerarkii ay Xuutiyiinta Yemen ku qaadeen Markab Shidaal oo laga leeyahay dalka Sacuudiga.
“Waxaan cambaaraynaynaa weerarkii lagu qaaday laba Markab shidaal, oo laga lahaa Sacuudi Carabiya, kuwaas oo marayay Marinka Bab-el Mandeb, ayaa lagu yiri warka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda ee dalka Turkiga.
Turkiga aya ku...
Maxkamada ku taalla dalka Uganda ayaa xalay ridday gudoon ay ku taageerayso isbadal ay baarlamaanka dalkaasi ku sameeyeen dastuurka, taasi oo meesha ka saartay qodobkii xaddadiyay da'da cidda u tartamaysa madaxwaynanimada in ay noqoto mid ka sareysa 35 sano islamarkana uusan qofka ka waynaan 75.
Garsoorayaasha ayaa xukumay in laalida...
Dabley ilaa iyo hadda aan la garan ayaa xalay toogasho ku dilay xildhibaan hore oo ka tirsanaa Baarlamaankii 9aad ee dowladdii KMG oo lagu magacaabi jiray Cali Maxamed Cabdi.
Dableyda ayaa la sheegay in xildhibaanka ay ku weerareen gurigiisa, iyaga oo toogashada kaddib-na goobta ka baxsaday, waxaana geeridiisa warbaahinta u...
Kulan Golaha Wasiirada Soomaaliya ay maanta oo Khamiis ah ku yeesheen magaalada Muqdisho ayaa lagu ansixiyay magacaabista Ilaa Saddex Safiir oo aan la sheegin dalalka loo magacaabay.
Saddexda Safiir ee la magacaabay ayaa kala ah Maxamuud Axmed Tarsan oo ka mid ahaa La Taliyeyaasha Madaxweyne Farmaajo, C/risaaq Shoole oo Agaasime...
Ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa lagu wadaa in maanta safarkiisii ugu horeeyay uu ku gaaro magaalada Washington ee dalka Mareyknka, isaga oo 30ka bishan-na lagu wado in uu tago magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota.
Booqashadiisan ayaa imaaneysa waqti kooban oo uu xilka hayo, hasse ahaatee la leeyahay waxaa...
Maxkamadda darajada koowaad ee ciiamada qalabka sida ayaa waxay ku dhawaaqday Xukun dacwad ciqaabeed loo heystay eedeysane Jaamac Xusseen Xasan Nuuni oo xafiiska xeer ilaalinta ciidamada Qalabka sida ay ku soo eedeysay inuu ka tirsan yahay Kooxda Argagixisada Daacish una qaabilsanaa farsameynta Qaraxyada.
Eedeysane Jaamac Xuseen Xasan Nuuni ayaa ka...


















