Monday, November 9, 2026
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa saaka wada hadallo ku yeeshay Aqalka Madaxtooyada Kenya Sida ay baahisay Madaxtooyada Soomaaliya ajandaha wada hadalladan ayaa ku koobnaa xal u helista mugdiga diblomaasiyadeed ee labada dal. Madaxdan ayaa ku heshiiyey in dib loo soo celiyo, lana xoojiyo xiriirka iyo...
Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhaw ka dhoofaya Garoonka Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho iyaga oo ku sii jeeda magaalada Addis Ababba kadib martiqaad uu ka hadlay ra’iisal wasaaraha Itoobiya. Madaxweynaha ayaa wada hadallo la yeelanaya isla maantaba Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy...
Muno Kuri oo aheyd 36 jir Soomaali ah ayaa lagu soo waramayaa in meydkeeda laga helay gurigeeda oo ku yaala magaalada San Diego ee dalka Mareykanka sida laga soo xigtay ciidamada booliiska. Waxaa la sheegay in haweeneydan la weysanaa tan iyo sabtidii, waxaana gurigeeda markii ay tageen xubno ehelkeeda ka...
Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir  Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) ayaa saxiixay Habraaca Iibka iyo Qandaraasyada Dawladda Hoose ee Xamar iyo Maamulka Gobolka Banaadir. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in habraacani uu hagi doono Iibka iyo Qandaraasyada Dawladda Hoose, isagoo nidaaminaya hab-raaca bixinta qandaraasyada alaabta, dhismayaasha, adeegyada iyo qodobo...
Afhayeen u hadlay Ciidanka Militeriga Somaliland ayaa faah faahin ka bixiyay dagaal kooban oo maalintii shalay ka dhacay Sool iyo bariga gobolka Sanaag. Afhayeenka Ciidanka Militariga Somaliland Gaashaanle sare Cabdiraxmaan Cabdilaahi Xasan (Cabdi Dheere), ayaa ka warbixiyey dagaalo goos goos ah oo ka kala dhacay Sool iyo Sanaag, waxaanu sheegay...
Ra’iisal wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahadi Maxamed Guulleed Khadar ayaa BBC u sheegay in marnaba uusan wada hadal ka furneyn muranka la xiriira Xudduud Baddeedka ee ka dhaxeeya labada dowladdood Soomaaliya iyo Kenya. Ra’iisal wasaare ku-xigeenka ayaa intaa ku daray in taa macnaheedu aheyn in labada dowladdood Soomaaliya iyo Kenya sidaa...
Socdaalka madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo lagu wado in uu maanta ku tago magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa imanaya xili magaalada Asmara Axadii toddobaadkan kulan saddex geesood ah ku yeesheen madaxda dowladdaha Itoobiya, Kenya iyo  Eritrea. Loolanka Siyaasadeed ee xilligaan u dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo...
Barasaabka gobolka Togdheer  Xamse Maxamed Cabdi ayaa sheegay in boqolkiiba lixdan  deegaanada hoos yimaada aanay haysan biyo ku filan, waxaanu hay’adaha gargaarka ka codsaday inay degdeg usoo gaadhsiiyaan biyo. Barasaabka gobolka Togdheer ayaa hay’adaha gargaarka ku canaantay in aanay wali wax gurmad ah ka samayn,isla markaana ay laba bilood ka...
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa saakay booqday Isbitaalka Madiina, si uu ugu kuurgalo xaaladda caafimaad ee dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii habeenkii Khamiista ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan wadada Maka Al-Mukarama. Madaxweyne Farmaajo ayaa markii uu gaaray Isbitaalka waxa uu warbixin faahfaahsan ka dhegaystay Agaasimaha Isbitaalka Dr. Maxamed Yuusuf...
Axmed Cumar Sahal oo ah Nin dhalinyaro ah oo degan degmada Cadado ayaa warbaahinta iyo bulshada ku dhaqan degmadaasi uu soo bandhiga Axadii shalay diyaarad yar oo nooca dagaal ah oo uu gacantiisa ku farsameeyay. Diyaarad oo ah nooc macmal ah ayuu ku xardhay calanka Soomaaliya, waxaana uu sheegay in...