Monday, November 9, 2026
Qoraal ka soo baxay xoghayaha Qaramada Midoobey António Guterres ayaa lagu sheegay in Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Workneh Gebeyehu loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Xafiiska Qaramada Midoobey ee Nairobi (UNON), iyadoo uu madax ka noqonayo dhamaan xafiisyada UN-ka ee ku yaalla Nairobi. Hanna S. Tetteh oo horay u heysay xilka...
Waxaa soconaya diyaar-garoowga Aas Qaran oo loo sameynayo Wasiirkii Wasaarradda Dastuurka xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil oo maalintii shalay ku geeriyooday magaalada Dubai ee dalka Isku tagga Imaaraadka Carabta. Wasiirka ayaa la sheegay in uu ku soo booday xanuun deg deg ah, isaga oo halkaa u joogay ama u tagay...
Wafdi ka socda Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey iyo Golaha nabadda iyo amaanka ee Midowga Afrika ayaa soo gaaray maanta magaalada Muqdisho Guddigan Isku dhafka ah ayaa qiimeynaya isbedelka amni ee dalka tan iyo markii ay yimaadeen Ciidanka Amisom sanadkii 2007 iyo qorshaha amniga loogu wareejinayo Ciidamada Soomaalida marka la...
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa baajiyay safar lagu waday in maanta oo Sabti ah ku tago magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubbaland, kaddib geeridii naxdinta laheyd ee ku timid Wasiirkii Dastuurka Xukuumadda Marxuum C/raxmaan Xoosh Jibriil. Ilo ku dhow dhow Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegaya in...
Kadib hawlgal ay sameeyeen Ciidamada Badda Puntland, ayaa waxa ay gacanta ku soo dhigeen doomo loo adeegsan jiray tahriibinta dadka ka baxa xeebaha Magaalada Boosaaso. Ciidmada Badda Puntland (PMPF) ayaa sheegay in maalmihii la soo dhaafay howgal ay wadeen ka gaareen guulo waaweyn, ayna ku soo qabteen qalab badan oo...
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray guud ahaan Qaranka Soomaaliyeed iyo gaar ahaan qoyskii uu ka baxay Wasiirka Arrimaha Dastuurka Marxuum Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo ku geeriyooday magaalada Dubai. Madaxweynaha ayaa yiri “Innaalilaahi wa innaa ilayhi raajicuun. Waxaan aad uga naxay geerida Wasiirka Arrimaha...
Dibadbax ballaaran ayaa maanta waxaa uu ka dhacay magaalada Diridhabe, banaanbaxan ayaa waxaa isugu soo baxay dadka Oromada ah ee deggan qaybo kamid ah magaalada Diridhabe. Haddaba banaanbaxan ayay Oromadu isugu soo baxeen waddooyinka waawayn ee magaalada, iyagoo wata boodhadh ay ku qoran yihiin qoraallo ay ku muujinayeen cabashadooda iyo...
Wararka ka imaanaya magaalada Mooyaale ayaa sheegaya in shir dib u heshiisiin ah uu ka furmay magaalada, shirkaas ayaa waxaa lagu heshiisiinayay Soomaalida iyo Oromada. Haddaba shirkaas ayaa waxaa kasoo qayb galay odayaal dhaqameedyada ka kala yimid degaamada Soomaalida iyo Oromada, waxaa sidoo kale shirkan kasoo qayb galay wasiiro heer...
Boliiska Degmada, Ngombeni, ayaa Jimcaha Maanta ah weerar ku qaaday Guri ku yaalla degaanka , Kwale, halkaas oo ay tababar ku qaadan jireen xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab. Guriga ay baaritaanka ku sameeyeen Boliiska Kenya ayaa waxaa laga helay , waxyaabaha qarxa, Tuutaha Ciidamada, Mindiyo, Aaladaha lagu Feertamo, Sanaaddiiq ay...
Warar goor dhaw soo baxay ayaa sheegaya in Wasiirkii Dastuurka dowladda Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil uu ku geeriyooday Isbitaal ku yaala magaalada Dubai, sida uu xaqiijiyay agaasimaha guud ee wasaarradda Maxamed Abuukar Zubeyr. “Waxaa hadda isbitaal ku yaala Dubai ku geeriyooday Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxman Xoosh...