Militariga Iran ayaa maanta kaga digay Mareykanka iyo Israel inay awood ugu hanjabaan Iran, kadib markii madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu sheegay inuu awood ciidan u adeegsan doono haddii ay noqoto xalka ugu dambeeya, si uu uga hortago in Iran ay hesho hub nukliyeer ah.
Mareykanka iyo sanhnuuniyadda (Israel) aad...
Booliska Koonfur Afrika ayaa magaalada Cape Town ee Gobolka Western cape ka bilaabay howlgal ka dhan ah dadka ajaaniibta ah oo ay Soomaalidu ku jirto, kuwaasoo ganacsiyo kala duwan ku leh magaaladaas.
Sarkaalka Ciidankaas wata ayaa magaciisa waxaa lagu soo koobay maloko, waxaana ay ciidamada ku howlan yihiin dhibaateynta dadka...
Itoobiya ayaa xabsiga dhigtay madaxii hay’adda gargaarka ee dowladda kadib markii lagu eedeeyay musuqmaasuq iyo wax isdaba marin.
Mitiku Kassa ayaa lagu eedeeyay in uu hay’ad bini’aadantinimo kala shaqeeyay iibinta raashinka gargaarka ah iyo dharka loo qoondeeyay dadka barakacayaasha ah.
Masuulkan Si cad ugama aanu jawaabin eedaymahaas. Mr Mitiku ayaa sanadihii...
Manea al-Yami oo ka mid ahaa siyaasiyiinta mucaaradka Sacuudiga ayaa lagu dilay dalka Lubnaan, waxaa sidaas sheegay xisbiga mucaaradka Sacuudiga ee Xisbiga Golaha Qaranka (NAAS) iyo ilo-wareedyo amni oo ku sugan Lubanaan.
War-saxaadeed uu soo dhigay twitter-ka, ayuu xisbiga NAAS, oo ah urur mucaarad ah oo ay maal-geliyaan Sacuudiyiinta dibad-joogga...
Dalalka Midawga Africa iyo Qaramada Midoobey oo Sheegay in ay Kor u Qaadayaan Taageerada Soomaaliya.
Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ayaa soo gabagabeeyay wadahadallo la isku waafajinayo taageerada saadka ee howlgalka Midowga Afrika si loo fududeeyo jawaabta ciidamada ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.
Taliyaha ciidamada ATMIS, Diomede Ndegeya ayaa sheegay, in howlgalka Midowga Afrika uu u baahan yahay in si hufan uu u helo...
Kalonzo Musyoka Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Kenya ayaa sheegay hadal dad badan ka yaabiyey oo ah inuu kasoo jeedo mid ka mid ah qabiillada Soomaalida.
Waxaa uu hadalkan ka jeediyey dibed-bax siyaasadeed oo uu uga qayb galay magaalada Habaas-weyne ee ismaamulka Wajeer.
Hadal-hayn aad u ballaaran ayaa ka dhalatay hadalkiisa...
Sicir-bararka dalka Turkiga ee bishii June ayaa gaaray 78.6 boqolkiiba — taasi oo ah heerkii ugu sarreeyey muddo 24 sano ah kaasoo noqday sicirklii bararkii ugu sareeyey muddo rubac qarni
Heerka sicir-bararka ee ay maanta shaacisay hay’adda tiro koobka Turkiga ayaa ah kii ugu sarreeyey tan iyo bishii Janaayo 1998-kii.
Heerak...
Danjiraha xukuumadda Ukraine ee Ankara ayaa sheegay in Turkiga uu la wareegay markab Ruushka laga leeyahay oo siday qamadi laga soo xaday Ukraine
Dacwad-oogaha Guud ee Ukraine ayaa Ankara ka codsaday inay qabato markabkan oo lagu magacaabo Zhebek Zhuly, kaasoo ku soo xirtay dekadda Turkiga.
Aqalka Kremlin ayaa sheegay in dhoofinta...
Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay xoojinayso iskaashiga ay la leedahay Soomaaliya, sida lagu sheegay war-saxaafaddeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaas.
Xoghayaha arrimaha dibada, Antony Blinken ayaa sheegay Maraykanku inuu taageerayo dadaalada Soomaaliya ee ku aadan, dhisidda bulsho adkeysi leh, kobcinta dhaqaalaha, iyo kordhinta amniga Soomaaliya iyo wadamaada deriska.
“Anigoo...
Kitangi Brown-Jackson ayaa loo dhaariyay inay noqdo garsoore ka tirsan maxkamadda sare ee Mareykanka Khamiista maanta ah, taasoo taariikhda ka dhigaysa haweenaydii ugu horreysay ee madow ah ee ka mid noqota hay’adaha garsoorka ee ugu sarreeya Mareykanka, iyada oo ku biirtay wakhti garsooreyaasha midigtu ay aqlabiyadda maxkamadda ku muquuniyaan...


















