Labo badmaax oo ka tirsan ciidamada badda Mareykanka ayaa la la’yahay xilli ay howgallo ka wadeen xeebaha Soomaaliya Khamiista, sida uu sheegay taliska dhexe ee dowladda Mareykanka.
Bayaan kooban oo lasoo saaray ayaa lagu sheegay in hawlgalka baadigoobka iyo samatabbixinta uu socda si loo helo badmaaxiinta.
Bayaanka laguma sheegin macluumaad dheeri...
Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareeyay weerar kooxda Al-shabaab ay u adeegsatay hoobiyaal khasaare geystay oo Xalay ay ku qaaday xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.
Weerarka hoobiyaasha ah ayaa la xaqiijiyay inu ku dhintay mid ka mid ah ilaalada Qaramada Midoobay, kaasoo ku sugnaa dhismaha Xafiiska...
Madaxtooyada maamulka Puntland ayaa war kasoo saartay shir ku dhexmaray magaalada Garoowe madaxda maamulka Puntland, madaxdii hore ee maamulkaas iyo masuuliyiin xilal horay uga soo qabtay dowladda Fedaraalka Soomaaliya.
Warsaxafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Puntland ee la xariira shirka ayaa laga soo saaray laba qodob oo kan koowaad uu ahaa in...
Dowladaha Sacuudiga iyo Shiinaha ayaa sheegay iney taageerayaan madax banaanida iyo midnimada dhuleed ee dowladda Soomaaliya.
Dowladda Shiinaha ayaa sheegtay iney rajeyneyso in dalalka gobolka ay xalin doonaan arrimaha ka taagan gobolka, gaar ahaan xiisada culus ee ka dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya iyago u maraya hab diblomaasiyadeed.
"Shiinuhu waxuu dawladda Faderaalka...
Ciidamada Itoobiya ee ku sugan tuulada Qoolbulaalle ee dhacda xadka Somaliland iyo Itoobiya ayaa toogasho ku dilay askari ka tirsan Booliiska Somaliland iyo qof shacab ah.
Askariga la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Maxamed Hargaysa, halka qofka shacabka ah ee la dilay oo ahaa wiil dhallinyaro ahna lagu magacaabi jiray...
Taliyaha ciidanka Nabadsugida magaalada Baledweyne Kabtan Aweys Maxamed Cali ayaa goordhow ku dhawacmay shaqaaqo ka dhacday Xaafada Howlwadaag ee magaalada Baledweyne.
Shaqaaqada uu ku dhaawacmay taliyaha waxa sidoo kale ku geeriyooday askari ka mid ahaa ilaaladiisa oo ka tirsana ciidanka NISA.
Dhacdadaan ayaa timid kadib markii uu rasaas ku furay taliyaha...
Midowga Yurub oo Madaxweyne Xasan Sheekh Kala Hadley Xiisadda Gobolka iyo Arrimaha Badda Soomaaliya.
Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta xarunta madaxtooyada dalka ku qaabilay Ergayga gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan geeska Afrika Annette Weber.
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Annette Weber ayaa ka wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin xaalada gobklka iyo doorka Midowga Yurub ee dowlad dhiska...
Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in dowlada Soomaaliya ay si qarsoodi ah Itoobiya ula gashay heshiis qarsoodi ah oo dhinaca badda ah.
Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, oo ka jawaabayay diidmada ay dowlada Soomaaliya ka muujisay heshiiska Somaliland iyo Itoobiya, ayaa sheegay in Soomaaliyaba ay heshiis la gashay Itoobiya.
"Wasiirka...
Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii ay u soo badbaadin lahayd rakaabkii la socday diyaarad Helicopter ah oo ay leedahay Qaramada Midoobay oo ay gacanta ku dhigeen kooxda Al-Shabaab.
Wasiirka wafaafinta Soomaaliya, Daa’uud Aweys ayaa sidaasi u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters, inkastoo saraakiisha ciidamada ay sheegeen in ay...
Masuuliyiinta katirsan dowladda Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah kala qeyb galay kumannaan dadweyne ah oo ka kala yimid degmooyinka gobolka Banaadir, kuwaasi oo dhigay dibadbax ay kaga soo horjeedaan damaca Itoobiya ee badda Soomaaliya.
Dibad-baxayaashu waxay socod ku mareen waddooyinka waaweyn ee caasimadda Muqdisho, lagasoo bilaabo km4 ilaa Daljirka-dahsoon,...


















