Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay aqoonsan tahay Taiwan inay tahay qayb ka tirsan Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha.
“Soomaaliya iyadoo ka duulaysa ka go’anaanshaha mabaadi’da ku qeexan Axdiga Qaramada Midoobay, waxay u dooddaa inaan la faragelin arrimaha gudaha ee dhammaan ummadaha,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibbada Soomaaliya.
Wasaaradda...
Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galinkii dambe ee Shalay gaaray magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug, halkaas oo si diiran loogu soo dhaweeyay madaxweynaha.
Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan golayaasha dowladda ayaa maxaxweynaha kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb.
Ujeedka safarka...
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta warqadaha aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay safiirrada cusub ee dalalka ah Hindiya, Japan, Czech iyo Ururka Jaamacadda Carabta.
Safiiraddaan oo dhawaan loo soo magacaabay Soomaaliya ayaa lagu kala magacabaa Marwo Namgya Choden, Okaniwa Ken, Miroslav Kosek iyo Abdullahi Mutlaq Al Otabi.
Danjirayaasha cusub...
Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa Maanta markale si kulul uga hadlay damaca dowladda Itoobiya ay ku dooneyso qeyb ka mid ah dhulka Soomaaliya.
Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay ineysan marnaba dhici doonin in taako ka mid ah dhul Soomaaliyeed ay qaadato Itoobiya.
"Dhulka Soomaaliyeed hees...
Dowladda Soomaaliya ayaa Xildhibaan Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan, u dooratay inay ku metasho Soomaaliya tartanka Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Sanadaha 2025-2028.
Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay inay tallaabadan qeyb ka tahay xoojinta doorka ay ku leedahay Ururada Caalamiga iyo kuwa Gobolkaba.
Xildhibaan Fowsiyo ayaa horey usoo noqotay wasiirkii hore ee arrimaha...
Dowladda Itoobiya ayaa xaqiijiyay in Addis Ababa ay wajaheyso cadaadis caalami ah oo ku wajahan in ay ka noqoto heshiiskii is-afgaradkii ay la gashay Somaliland.
Wasiirka arrimaha dibbada ahna raysal wasaare ku xigeenka Itoobiya, Demeke Mekonnen ayaa sheegay inkastoo ay wajahayaan cadaadisyo caalami ah, haddana wuxuu ku celceliyay in Itoobiya ay...
La-taliyaha amniga qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya, Xuseen Macalin ayaa sheegay in ay Soomaaliya diyaar u tahay dagaal ay la gasho Itoobiya si looga hortago heshiiska Somaliland iyo Ethiopia ee dhinaca badda, sida uu ku sheegay wareysi uu siiyay wargeyska The Guardian.
La taliyaha amniga qaranka ayaa yiri: "Waxaan raadineynaa dhammaan...
Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in heshiiska badda ee Somaliland iyo Itoobiya aanu u istaagi doonin diidmada ay dowlada federaalku ka muujisay.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland D.r Ciise Kayd Maxamuud oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegayin in dowlada federaalku anay awood u lahayn in ay hor istaagto heshiiska, talaabo kasta oo...
Iyadoo Maqribnimadii Xalay weerar dhagaxaan loo adeegsaday lagu qaaday gaari Bas ah oo ay saarnayeen Ciyaartooyda Xulka Koonfur Galbeed, islamarkaana ay dhaawacyo soo gaareen lix ka mid ah ciyaartoyda ayaa Wasiirka Ciyaaraha maamulka Koonfur Galbeed wuxuu ku dhawaaqay iney isaga baxeen tartanka Ciyaaraha dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.
Wasiirka Wasaaradda...
Dowladda Mareykanka ayaa soo dhaweysay shir madaxeedka IGAD oo dhici doona 18-ka bishan Janaayo, kaasoo looga hadli doono heshiiskii Itoobiya ay la gashay Somaliland.
"Waxaan soo dhaweyneynaa shir madaxeedka IGAD ee 18-ka Janaayo ee looga hadlayo xiisadaha u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya iyo xaaladda Suudaan," ayaa lagu yiri bayaan uu...


















