Sunday, November 2, 2025
Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaarada Somaliland ayaa sheegtay inay ka war-hayso cabashooyinka iyo culaysyada soo kordhay toddobaadyadii u dambeeyay ee ay qabaan dadka u socdaalaya Somaliland kadib markii lagu qasbay in ay qaataan fiisaha danabaysan ee Soomaaliya. Warsaxaafadeed uu maanta soo saaray Wasiirka Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaarada Somaliland,...
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qorsheyneysa in la dhiso deked cusub oo masaafo dhan 35 km u jirta magaalada Muqdisho, si loo xoojiyo ganacsiga badda loona yareeyo ciriiriga dekedda Muqdisho ee hadda jirta. Dekeddan cusub ayaa sida dowladdu sheegtay waxay qeyb ka noqon doontaa qorshe ballaaran oo lagu casriyeynayo kaabayaasha dhaqaalaha...
Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda amniga maamul goboleedka Galmudug ayaa lagu mamnuucay gaadiidka dagaalka, gaar ahaan nooca loo yaqaano Cabdi bilaha in laga soo dejiyo Dekedda magaalada Hubyo ee gobolka Mudug. Warka kasoo baxay Wasaaradda amniga Galmudug ayaa lagu sheegay in wixii maanta ka dambeeya la mamnuucay gaadiidka nooca Toyota 4WD...
Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka  Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo wafdi Xildhibaano ah oo uu hoggaaminayay ayaa maanta laga hor istaagay iney u safraan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Arintaan ayaa salka ku hayso Khilaaf siyaasadeed u dhaxeeya Siyaasiyiintan kasoo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed iyo madaxweynaha maamulkaas Cabdicasiis Xasan...
Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa si adag u sheegay in hay’adda sirdoonka iyo nabadsugidda Jubaland (JISA) ay haatan tahay hay’adda ugu awoodda badan uguna xog-ogaalsan arrimaha amniga ee Geeska Afrika. Madaxweynaha ayaa hadalkan ka jeediyay munaasabad uu xarigga kaga jarayay xarunta dhexe ee cusub ee JISA oo si...
Puntland ayaa ku xukuntay 15 kalluumeysato ah oo u dhashay Iiran midkiiba $500 oo ganaax ah iyo in dalkooda loo musaafuriyo, kaddib markii lagu qabtay iyagoo sifo sharci darro ah uga kalluumaysanayay xeebaha Puntland. Sidoo kale, Puntland ayaa xukuntay in aan loo qabsan magtooda laba nin oo Iraaniyiin ah oo...
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal beeleed khasaare kala duwan geystay oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay inta u dhaxeysa deegaanada u Maraayo iyo Baalal dheer oo ka tirsan gobolka Galgaduud. Dagaalkaan ayaa lasoo wariyay inuu ahaa mid aad u xoogan oo labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa,...
Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee saldhigga Garasbaaley ayaa gacanta ku dhigay eedeysane lagu magacaabo Abshir Sheekh Cabdisalaan Maxamed, kaas oo lagu eedeeyay in uu si arxan darro ah xaaskiisa ugu dilay toorey. Dilkan foosha xun ayaa ka dhacay xaafad ka tirsan Degmada Garasbaaley, waxaana markiiba howlgal degdeg ah bilaabay ciidamada booliska,...
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabay Maareeyaha Guud ee Arrimaha Maamulka iyo Amniga Garoonka Muqdisho iyo Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan. Wareegto ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay in magacaabistan la sameeyay ka dib markii la tixgeliyay aqoonta, kartida iyo waayo-aragnimada dheer...
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa booqasho rasmi ah ku jooga dalka Talyaaniga, halkaas oo uu kulan muhiim ah kula yeeshay Wasiirka Gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Talyaaniga, Guido Crosetto. Kulankan oo ka dhacay magaalada Roma ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee dhanka difaaca, amniga badda, la-dagaallanka argagixisada,...