Thursday, August 13, 2026
Shan qof ayaa ku geeriyooday, shan kalena si xun ayay ugu dhaaacmeen qarax lagusoo qariyay gaari dameer, kaasoo ku qarxay magaalada Ceelwaaq Kenya, sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Gudaha Kithure Kindiki. Qaraxan, oo dhacay Isniinta shalay, cidna ma sheegan, hase ahaatee, wuxuu ka dhacay aag si joogto ah ay u...
Senator Jim Risch, oo ah xubin sare oo ka tirsan Guddiga Xidhiidhka arrimaha Dibadda ee Senate-ka Mareykanka, ayaa ku booriyay maamulka madaxweyne Biden inay la macaamilaan Somaliland. Jim Risch, wuxuu sheegay in siyaasadda Soomaaliya oo keliya aysan ka tarjumayn xaqiiqada. "Waxaan ku booriyay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka inay la shaqeyso Somaliland...
Wararka ka imaanaya tuulada Teedaan oo ka mid ah tuulooyinka hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi biriq ay ku dishay Xoolo aad u farabadan, kadib roobab saacado badan ka da'ay Tuuladaas. Biriqda ayaa dishay in ka badan 300 oo neef oo dhamaantood ahaa Ari, kuwaas oo...
Ku dhawaad 10 qof oo dhinacyadii dagaalamayay ah ayaa ku geeriyooday, in ka badan 15-kalena waa ay ku dhaawacmeen dagaal beeleed ka dhacay degaan katirsan waqooyiga gobolka Galgaduud. Maleyshiyaadka dagaalamaya oo kasoo kala jeeda Cabudwaaq iyo Xeraale, ayay dirir xooggani ku dhexmartay degaanada miyiga ah ee waqooyiga Galgaduud, waxayna dirirtooda...
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh, ayaa gaaray magaalada Nairobi ee Kenya si uu uga qayb-lgalo Shirka Madaxweynayaasha Afrika iyo Bangiga Aduunka oo la qaban doono 29-ka Abriil, 2024. Shirkan oo ay soo qaban qaabisay Hay'adda Horumarinta Caalamiga ah (IDA) ee hoostagta Bangiga Adduunka, ayaa diiradda saari doona horumarinta iyo maalgashiga qaaradda...
43 qof oo doon uga gudbayay wabiga Tana River ee magaalada Garisa ee gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa lagu la’ yahay nolol iyo geeri. Dadkaan oo kasoo safray magaalada Nairobi, ayaa la sheegay inay doon kasoo raaceen deegaanka Kona Punda oo u dhow jidka isku xira magaalada Gaarisa iyo degaanka...
Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa xaqiijiyay in saraakiil darajo sare leh oo katirsan ciidan Danab lagu qabtay iyagoo gacmaha kula jiray musuq maasuq ka dhan ah raashin loogu talo galay hal guuto oo kamid ah ciidanka Danab. Wasiirka Gaashaandhigga ayaa hadalkan ku sheegay wareysi siiyay universal Tv, isagoo...
Dowladda Kenya ayaa shaacisay in ay Alshabaab ka sifaysay keymaha ay ku dhuumaalaysan jireen ee Booni, taas oo keentay in ay yaraadaan weeraradii argagixisanimo ee gobolka xeebta. “Argagixisadu waxay u adkeysan weyday awoodda hay’adaha amniga oo qaarkood ku qasbay inay dib ugu cararaan Soomaaliya oo ay naftooda u baqayaan,” ayaa...
Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay dib u qiimeyn ku sameyn doonto xiriirkooda iyo wadashaqeyntooda Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Danab, oo ah cutub ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (SNA). Sarkaal Mareykan ah ayaa  u sheegay Reuters in Washington ay si dhab ah u qaadanayso dhammaan eedeymaha musuqmaasuqa....
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax miino oo Xalay ka dhacay guri ku yaala deegaanka Ceelasha biyaha ee duuleedka magaalada Muqdisho, kaasoo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Qaraxaan miino ayaa la sheegay inuu ahaa mid uu guriga ku dhex farsameynaayay nin ka tirsan kooxda Al-shabaab, waxaana la...