Safiirka cusub ee dowladda Fedaraalka Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga Fatxudiin Cali Maxamed ayaa booqday mid ka mid ah xabsiyada ku yaala magaalada Ankara ee dalkaasi Turkiga oo ay ku xiran yihiin Muwaadiniin Soomaali ah.
Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xiran xabsiga uu booqday Danjire Fatxudiin ayaa ah kuwa ku eedeysan...
Waxaa sii kordhaya dadka isaga barakacaya qaar ka mid ah xaafadaha magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kadib daadad ka dhashay roobab saacado badan ka da'ay gudaha iyo daafaha magaaladaas oo ku soo rogmaday xaafadaha qaar.
Meelaha wali ay ka socdaan barakaca xoogan ayaa ka mid ah xaafada Kooshin, gaar...
Waddamada ku midoobay Madasha Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Carabta, dalalka Bartamaha Aasiya iyo Azerbaijan ayaa waxay caddeeyeen inay si buuxda u taageersan yihiin mawqifka ay dawladda Soomaaliya ka qaadatay heshiiskii ay wada saxeexdeen Dowladda Itoobiya iyo Somaliland.
Gabagabada shir ay yeesheen waddamadan, ayaa lagu sheegay, in heshiiskaas uu yahay ku xad-gudub...
Hoggaamiyaha SSC Khaatumo, Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali Firdhiye, ayaa sheegay in aysan odayaaasha dhaqanka Somaliland ka qaadan doonin nabadayn hoosaasin ah oo lagu qarinayo sida uu sheegay, duullaanka Soomaliland ay kusoo tahay deegaanada SSC.
Firdhiye ayaa u sheegay odayaal Somaliland ah, kuwaas oo baaq nabadeed soo saaray, in looga baahan yahay,...
Hay’adaha amniga ee dalka Kenya ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen Mustakima Mohammed Ali oo loo yaqaan Abu Maahir, oo la sheegay inuu katirsan yahay kooxda Alshabaab.
Ninkaan ayay dowladda Kenya nolol iyo geeri ku raadinaysay tan iyo 2019, isagoo loo haysto dilka sarkaal bilays ah iyo laba qof oo...
Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Aqalka Madaxtooyada Soomaaliya ku qaabilay Madaxa Hay’adda Sirdoonka Qaranka dalka Turkiga Ibrahim Kalin oo booqasho ku yimid magaalada Muqdisho.
Kulankaan ka dhacay Madaxtooyada dalka waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Taliyaha Hay'adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe.
Madaxweyne Xasan...
Raysal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa sheegay, in Soomaaliya aysan dib dambe ugu laaban doonin doorasho lamid ah kuwii hore loogu qabtay teendhada Afisyooni.
Raysal wasaare Xamse, ayaa sheegay in go’aankooda uu cad yahay, isagoo sheegay inay ku shaqeynayaan hannaanka doorasho ee uu dalku u guuray.
“Annaga ma qarineyno...
Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Jenaraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa uga digay Wasaaradda Cadaaladda iyo Dastuurka Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya talaabo uu ku sheegay in Wasaaraddu ay ku dooneyso iney ku burburiso ciidamada Asluubta.
Jenaraalka ayaa warkaan sheegay kadib shir sadaxdii maalmood ee lasoo dhaafay ka socday magaalada Muqdisho, kaasoo looga hadlaayay...
Guddoomiyaha Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya Xasan Cali Nuur Shuute oo howlo nabadeyn ah u jooga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan ayaa fariin adag u diray dadka Soomaaliyeed ee qabiil ahaan isku dilaya.
Guddoomiye Shuute ayaa ku hanjabay in qofkii qof kale qabiil ahaan u dila iney Maxkamaddu ku...
Maamulka SSC Khaatumo ayaa ku eedeeyay Somaliland inay colaad sokeeye ka hurinayaan degaanada gobolka Sanaag, ka dib markii maalmihii lasoo dhaafay halkaas lagu dilay labo qof oo shacab ah oo kasoo jeeday degaanada SSC.
Warsaxaafadeed kasoo baxay SSC- Khaatumo ayaa lagu sheegay, in Somaliland ay ciidamo ku abaabulayso gobolka Sanaag,...


















