Thursday, August 13, 2026
Maxkamadda Racfaanka gobolka Banaadir ayaa maanta markale u fariisatay kiiska dacwadda loo heysto Sayid cali Macalin Daa'uud oo ku eedeysan inuu Muqdisho ku gubay xaaskiisii. Eedeysanahaan ayaa horay waxaa dil toogasho ah ugu xukuntay Maxkamadda gobolka Banaadir oo sheegtay in lagu helay dilka uu u geystay xaaskiisii oo lagu magacaabi...
Hay'adda danbi baarista ee CID-da Soomaaliya ayaa dambi ku weyday oo siidaysay 10 eedaysane oo loo haystay dilkii C/naasir Muuse Cabdiraxmaan (Dahable), oo ahaa mas’uul katirsanaa hay’adda Duulista Hawada ee Soomaaliya. Baaritaan ay iska kaashadeen Khubarada dambi baarista Soomaaliya, kuwaas oo gacan ka helayay sheybaarka dambi baarista ee booliska Turkiga,...
Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa dadka deegaanka oo is kaashanaya ayaa howlgal ka dhan ah kooxda Al-shabaab ka sameeyay deegaanka Sarman dheere ee gobolka Baay. Howlgalka ciidamadu ka fuliyeen deegaanka Sarman dheere oo ay ku sugnayeen kooxda Al-shabaab ayaa lagu dilay xubno isugu jira Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad aanan tiradooda...
Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), ayaa mar kale diiday tallaabo kasta oo ka dhan ah Qaranimada Soomaaliya, gaar ahaan heshiiskii is-faham ee dhexmaray Itoobiya iyo maamulka Somaliland. Wasiirradu waxay isugu yimaadeen shir loogu diyaar-garoobayo kal-fadhiga shan iyo tobnaad ee Shir-madaxeedka Iskaashiga Islaamka oo ka dhacay caasimadda Gambia...
Shacabka ku nool Muqdisho ayaa bilaabay inay maydadka dadkooda horey u geeriyooday kala baxaan qabuuraha kuyaala  Iskuul buluzia ee degmada Xamar Jajab. Qaar kamid ah dadka la baxay maydadkooda, ayaa sheegay inay heleen macluumaad ku saabsan, in dowladdu ay amartay in qabuuraha Iskuul buluzia laga saaro dadka ku aasan, loomana...
Ciidamada badda Puntland ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen hub sharci darro ah iyo shabakad looga shakisan yahay inay yihiin burcad badeed. Howlgalkan ayaa ka dhacay degmo xeebeedka Eyl, halkaas oo ay ciidamadu sheegeen in ay ka mid tahay meelaha laga abaabulo weerarrada  qafaalashada maraakiibta caalamiga ah. War saxaafadeed kasoo baxay...
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil Xalay loogu geystay magaalada Muqdisho Sarkaal ka tirsan ciidanka Booliiska Soomaaliya. Sarkaalkaan la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Aadan Cumar Axmed oo loo yaqiinay Aadan biit, kaasoo lagu dilay goob maqaaxi ah oo ku taala agagarka xerada Iskool Buluusiya oo ka mid ah...
Taliska ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa goordhaw gacanta kusoo dhigay nin maanta ku dilay Xaaskiisii hore deegaanka Garasbaaley ee magaalada Muqdisho. Ninkaan ku eedeysan dilka Xaaskiisii hore ayaa magaciisa lagu sheegay Maxamed Ismaaciil Maame, kaasoo Mindi ku dilay xaaskiisii hore oo lagu magacaabi jiray Xabiibo Xuseen Cabdullaahi, taasoo ninka dilay horay...
Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda federaalka Soomaaliya Daa’uud Aweys jaamac ayaa ugu hambalyeeyay  Saxaafiyiinta Soomaaliyeed dabaal dega maalinta caalamiga ee xorriyadda saxaafadda oo sanad walba maanta oo kale loo dagaal dego. Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa ugu horeyn maalintaan qiimaha gaarka ah u leh Saxafiyiinta Soomaaliyeed darteed ku bogaadiyay shaqada...
Taliska ciidanka Booliiska gobolka Banaadir ayaa shaaca qaaday iney gacanta ku soo dhigeen rag ku eedeysan dil ay horey ugu geysteen Wiil Arday ahaa. Ragaan Booliiska gobolka Banaadir uu gacanta kusoo dhigay ayaa ka kooban 3 ruux oo mid ka mid ah uu yahay askari ka tirsan ciidanka xoogga dalka...