Thursday, August 13, 2026
Maxkamadda Rafcaanka gobolka Banaadir ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku ridday Sayid-Cali Macallin Daa'uud oo ku eedeysnaa inuu xaaskiisa oo xaamilo ahayd nolasha ku gubay. Maxkamadda Racfaanka ayaa ayidday xukunkii kasoo baxay maxkamadda gobolka Banaadir, taasoo horey xukun dil ah ugu ridday Sayid Cali. Maxkamaddu waxay sheegtay in eedaysane Sayid...
Ciidamada dowladda fedaraalka Soomaaliya iyo kuwa saaxiibada Caalamka ayaa si wadajir ah u fuliyay howlgalo ka dhanka ah kooxda Al-shabaab oo ka dhacay deegaano ka kala tirsan gobolada Galgaduud iyo Shabeellaha dhexe. Howlgalka kowaad ayaa ka dhacay deegaanka Cali Hayle oo ka tirsan Shabeellaha dhexe, halka howlgalka labaadna uu ka...
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa  James Swan oo u dhashay dalka Maraykanka u maagacaabay inuu noqdo Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Soomaaliya ahna Madaxa Xafiiska Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM). Mr. Swan ayaa u shaqayn doona sidii Ergeyga Gaarka ah muddo ku meel gaar ah ka dib bixista...
Waxaa goordhaw si rasmi ah uga furmay xarunta Madaxtooyada dalka ee magaalada Muqdisho shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee u dhaxeeya madaxda dowladda Fedaraalka, kuwa dowlad goboleedyada dalka iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir. Shirkaan ayaa waxaa daah furay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana madaxda ka qeyb galaysa ka mid ah Raysal wasaare...
Ciidamada Booliiska gobolka Banaadir ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmada Waabari ee magaalada Muqdisho kusoo qabtay burcad dhac ka geysaneysay. Howlgalka ayaa ciidamadu kusoo qabteen laba nin oo dhalinyaro oo la sheegay iney dhac u geysanayeen dadka degan xaafadahaas, waxaana ragaan burcada ah lagu xiray...
Maxkamadda ciidamada qalabka sida iyo dambiyada culus ee Puntland ayaa xorriyadoodii usoo celisey 6 eedaysane oo ajaanib ah oo horey uga tirsanaa kooxda Daacish. Ajaanibtan ayaa u kala dhashay dalalka Itoobiya iyo Marooko, waxaana lagu wareejiyey wasaaradda caddaaladda Puntland si loogu diro dalalkoodii. Sidoo kale maxkamaddu waxay xorriyadoodii siisay 6 dhallinyaro...
Millateriga Somaliland ayaa ku goodiyay in uu markale la wareegi doono qaybaha uu lumiyay gobolka Sool, isla markaana uu dhaafi doono Laascaanood. Taliyaha Millateriga Somaliland Nuux Ismaaciil Taani, oo warbaahinta xukuumada la hadlay, ayaa sheegay in ciidankiisu uu wali awood badanyahay, isla markaana uu soo ceshan doono dhulkii uu ku...
Waxaa Maanta deegaanka Daara Ugaas ee ku yaala duuleedka degmada Halgan ee gobolka Hiiraan lagu Caana shubay Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo ah Ugaaska 21-aad ee beelaha Xawaadle. Munaaaabadda Caana shubka Ugaas Yuusuf ayaa waxaa ka qeybgalay madax sare oo ka tirsan dowladda Federaalka, maamulada Hirshabeelle, Hiiraan State...
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxyo Bambaanooyin ah oo Xalay lagu weeraray guryo ku yaala xaafado ka tirsan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Qaraxyada oo ahaa laba bambo oo nooca gacanta laga tuuro ayaa lagu weeraray midka koowaad guri uu ka degan yahay magaalada Baydhabo Sarkaal magaciisa lagu...
Hoggaamiyaha SSC- Khaatumo, Cabdiqaadir Axmed Aw- Cali Firdhiye, ayaa isku shaandhayn iyo magacaabis ku sameeyay golihiisa wasiiradda, sida lagu sheegay wareegto kasoo baxday xafiiskiisa. Taliyihii hore  ee ciidanka Booliiska Soomaaliya, Gen. Cabdi Xasan Xajaar ayaa kamid noqday liiska cusub ee golaha wasiirrada ee maamulka SSC- Khaatumo. Isbeddelkan cusub ayaa kusoo beegmay,...