Thursday, August 13, 2026
Sida Laga War Qabo Soomaaliya Hannaankeeda Awood Qaybsi waxa uu ku Dhisnaa 4.5 ilaa Waqtigii Shirkii Carta ee Dalka Jabuuti Lagu Soo Dhisay,waxaana in Muddo ah La Sheegayey in Nidaamkan la Guurayo hadana waqtiyada Dhamaadka Xilhaynta Cidda Kursiga Madaxtooyada ku Fadhida Hase Yeeshee waxaa Dhawaan Kasoo Yeeray M/weyne Xasan...
Waxaa Maanta degmada Halgan ee gobolka Hiiraan si weyn loogu soo dhaweeyay wafdi balaaran oo uu hoggaaminaayay Ugaaska guud ee beelaha Xawaadle Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif. Wafdiga Ugaaska beelaha Xawaadle ayaa isugu jiray qeybaha kala duwan ee bulshada sida Odoyaal dhaqameed, Culuma'udiin, Dhalinyaro, Haween, Ganacsato, kuwaas oo ka...
Maxkamadda Racfaanka ee gobolka Banaadir, ayaa maanta soo gabagabaysay dhegaysigii labaad ee dacwadda iyo difaaca xukumane Sayid Cali Macallin Daa’uud. Maxkamadda ayaa sheegtay in laga sugayo go’aanka ugu dambeeya ee xukunka eedaysanaha, ka dib markii ay dhegaysatay dacwadda xeer ilaaliyaha iyo difaaca qareenada u doodaya eedeysanaha. Abuukate Cali Xalane oo ah...
Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed qeybta Gor-gor oo garab ka helaya kuwa deegaanka ayaa gacanta ku dhigay 150 Jirgaan oo ay ku jireen Shidaal iyo budada laga sameeyo qaraxyada. Howlgalka lagu qabtay agabkan ayaa ka dhacay meel u dhow magaalada Xarardheere ee koonfurta gobolka Mudug, kadib markii ciidamada dowladda ay heleen...
Taliyaha hay'adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo ku sugan magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa halkaasi ka bilaabay kulamo lagu dardar galinaayo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Taliyaha ayaa gudaha magaalada Baledweyne kula kulmay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, waxgaradka gobolkaas...
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud ayaa sheegay in ay Soomaaliya diyaar u tahay in ay raacdo dhammaan fursadaha diblumaasiyadeed ee lagu xalin karo ismariwaaga kala dhaxeeya Itoobiya. Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu sheegay haddii taas la waayo  in Soomaaliya ay diyaar u tahay dagaal, wuxuuna carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo...
Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa Shalay Salaadii Jimcaha kadib khudbad dhinacyo badan taabaneysay ka jeediyay Masajid ku dhex yaala madaxyooyada dalka. Madaxweynaha ayaa khudbadiisa uga hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda guud ee dalka, isagoona ku dheeraaday ka hadalka muhiimada ay leedahay in dalka laga ciribtiro...
Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay, dowladda Soomaaliya in ay ka go’an tahay inay u tartanto doorashada kursiga guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika. Wasiirka arrimaha dibbada, ayaa sheegay, tartankaan inuu yahay fursad weyn oo Soomaaliya aan soo maridoonin afartanka sano ee soo socda. Sidaas awgeed, wuxuu sheegay in Soomaaliya...
Magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa saacadahii lasoo dhaafay soo gaaray inta badan Xildhibaanada Beelaha Xawaadle ku matala Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya, Agaasimaha hay'adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbalooshe, masuuliyiin kale iyo dad weyne oo farabadan. Masuuliyiintaan kala duwan ee soo gaaray Baledweyne ayaa u...
Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa sheegay, in ay wada hadalo kula jiraan dowladda Federaalka Soomaaliya, ka dib markii Soomaaliya ay dalbatay in meesha laga saaro jiritaanka xafiiska (UNSOM). Afhayeenka Howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) Ari Gaitanis, ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin inay raacaan tilmaamaha Golaha Ammaanka,...