Thursday, August 13, 2026
Waxaa goordhaw War murtiyeed laga soo saaray Shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ee u dhaxeeyay madaxda dowladda fedaraalka, kuwa dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir. Shirkaan ayaa mudo afar maalmood ah uga socday madaxada Golaha Wadashiga Qaranka xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, kaasoo madaxda ay uga hadleen qodobo aad xasaasi u ahaa.War murtiyeedka...
Waxaa saacadba saacada ka dambeysa sii kordheya cabsida laga qabo inuu karkaarada ku jabsado wabiga Shabeelle gudaha magaalada Baledweyne xarunta gobolka Hiiraan. Bulshada ku dhaqan xaafadaha Kooshin iyo Buundaweyn ayaa ku guuleystay iney iska xiraan goobo ku yaala xaafadahaasi oo qarka u saarna in biyuhu kasoo baxaan. Goobaha dadka xaafadahaas ku...
Maleeshiyo beeleed hubeysan ayaa wiil yar oo 12 sano jir ahaa ku dilay deegaan hoostaga degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud, kasoo jeeday deegaan ahaan magaalada Galdodob ee gobolka Mudug. Wiilka yar ee la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Ayaanle Cabdisalaan Jaamac, waxaana la tilmaamay in dilkiisa ay geysteen maleeshiyo beeleed...
Taliska ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa ciidamo farabadan oo aad u hubeysan u diray gobolka Shabeellaha dhexe oo maalmahii lasoo dhaafay deegaano ka tirsan ay kula dagaalamayeen laba maleeshiyo beeleed oo walaalo ah. Ciidamadaan ayaa Taliska Booliiska ugu talo galay iney kala dhex galaan beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamaya mudooyinkii...
Lataliyaha Amniga Qaranka madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xuseen Macalin ayaa sharaxaad dheeraad ah ka bixiyay waxyaabaha dhanka amniga uga qabsoomay dowladda madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Lataliyaha Amniga Qaranka ayaa sheegay in dowladda uu madaxweynaha ka yahay Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan laba sano u buuxsantay iney wax badan oo muuqda...
Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo, Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali Firdhiye ayaa markii ugu horraysay ka qeyb galay shirka golaha wadatashiga qaran ee dowladda federaalka iyo dowlad goboleedka, shirkaas oo ka socda Muqdisho. Golaha Wadatashiga Qaran ayaa hoggaamiyaha SSC- Khaatumo ka dhegaystay warbixin ku saabsanayd xaaladaha guud ee Deegaannada SSC-Khaatumo, wuxuuna sheegay in maamulkiisa uu...
Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo ka socda maalintii sadaxaad oo xiriir ah xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa maanta warbixin waxaa looga dhageystay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Taliska ciidanka xoogga dalka. Afhayeenka madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xudeyfi ayaa sheegay in Taliska ciidanka xoogga dalka in madaxasha ku soo bandhigay qorshaha xoreynta...
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa qasriga Madaxtooyada ku qaabiley safiirka dalka Ingiriiska ee Soomaaliya Amb Mike Nithavrianakis oo safar shaqo ku jooga Somaliland. Sida madaxtooyadu baahisay kulanka ayaa lagaga wada hadlay qodobbo door ah oo ay ka mid ahaayiin dardargelinta mashaariicaha kala duwan ee ay iska kaashadaan Ingiriiska iyo...
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax miino oo Shalay galinkii dambe ka dhacay inta u dhaxeysa magaaloyinka Baled xaawo iyo Doolow ee gobolka Gedo, gaar ahaan deegaanka lagu magacaabo Cinjirka. Qaraxa miino ayaa haleelay gaari ay la socdeen dad rakaab ah, waxaana inta la xaqiijiyay qaraxa miino ku dhintay...
Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay khasaaraha ka dhashay howlgal ciidamada dowladda iyo kuwa saaxiibada Caalamka ay ka fuliyeen deegaano ka kala tirsan Shabeelaha dhexe iyo Galgaduud. Howlgalka ayaa ka dhacay deegaanada kala ah Cali Heelle iyo Baraag Sheekh Caamir , waxaana deegaanka Cali Heelle...