Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal beeleed khasaare badan geystay oo maanta ka dhacay deegaanka Ceel barafaange oo ka mid ah deegaanada hoostaga magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug.
Dagaalka ayaa ahaa mid u dhaxeeyay laba Maleeshiyo beeleed oo wada dega bariga Galgaduud, waxaana la soo wariyay in dagaalka...
Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa wax dambi ah ku weyday agaasimihii hore ee hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya, Maxamed Aadan Jimcaale Koofi iyo agaasimihii waaxda canshuuraha bariga ee wasaaradda maaliyadda, Muxiyadiin Xasan Jurus (Saabey).
Guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir ayaa faray hay’adaha ay ka tirsanaayeen masuuliyiintan inay usoo celiyaan xaquuqdoodii sharci, wuxuuna...
Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliya Sulub Axmed Firin ayaa ka hadlay talaabooyin dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay ciidanka kusoo xirxireen qaar ka mid ah shaqsiyaad caan ka ah baraha bulshada oo aflagaado iyo kicin dadweyne ka dhex waday baraha Internetka.
Taliye Sulub ayaa sheegay in marnaba la ogolaan doonin in baraha...
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa mar kale cunaqabateyn ku soo rogay hoggaamiyeyaal ka tirsan Al-Shabaab.
Cabdiqaadir Maxamed Cabdiqaadir, Maxamed Cumar Maxamed iyo Maxamed Maxamuud Mire ayaa lagu eedeeyay inay ka qayb qaateen maalgelinta, qorsheynta, fududaynta, iyo diyaarinta dhaqdhaqaaqyada Al-Shabaab
War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in saddexda hoggaamiye lagu daray liiska...
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo Xalay ka dhacay meel u dhaw deegaanka Ceel baraf ee gobolka Shabeellaha dhexe.
Weerarka oo ahaa mid dhaba gal ah ayaa maleeshiyo beeleed hubeysan ay ku qaadeen ciidamo ka tirsan Danab oo sida la sheegay...
Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed, haatanna ah xildhibaan katirsan baarlamaanka aqalka hoose, Dr Cali Saciid Faqi ayaa sheegay inay jiraan, warar sheegaya in dowladda Soomaaliya ay ka dalbaneyso Fawzia H. Adam in ay ka tanaasusho musharaxnimadeeda gudoomiyaha Guddiga Midowga Afrika.
Dr Cali Saciid Faqi ayaa sheegay, haddii uu...
Waxaa Xalay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya lagu dilay Xildhibaan Ibraahin Cabdi Cabdiraxmaan oo ka tirsanaa Baarlamaanka maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.
Kooxo Bastoolado ku hubeysnaa ayaa geystay dilka Xildhibaanka kuwaas oo qeybaha sare ee jirkiisa kaga dhuftay dhowr xabadood, taasoo keentay in Xildhibaanka uu ku geeriyoodo isla goobta.
Alle ha u...
La taliyaha arrimaha dastuurka ee madaxweynaha Soomaaliya, Xuseen Sheikh Maxamuud, ayaa sheegay, madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, inuu miiska wada xaajoodka uga maqan yahay arrimo siyaasadeed oo isaga u gaar ah.
La taliyaha madaxweyne Xasan Sheikh, waxa uu sheegay in xildhibaanadii uu soo qortay madaxweyne Deni ay iyagu gacmaha u...
Wadamada Ireland, Spain iyo Norway oo ka mid ah dalalka qaaradda Yurub ayaa Maanta oo Arbaco ah ku dhawaaqay iney dowlad u aqoonsanayaan Falastiin laga bilaabo 28-ka bishaan May ee sanadkaan 2024.
Sadaxdaan dowladood ayaa sidoo kale sheegay iney ka rajeynayaan dalalka kale ee reer Galbeedka iney ku dayan doonaan...
Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Biixi Imaan Cige oo ku sugan magaalada New Qaahira ee dalka Masar, ayaa maanta ka qeybgalay furitaanka shirka sanadlaha ah ee Hay’adaha Maaliyadda dalalka Carabta oo sanadkan lagu qabanayo magaalada New Qaahira ee dalka Masar.
Shirkaan oo labo maalin ah ayaa diiradda lagu saari donaa...


















