Sunday, November 8, 2026
Ku dhawaad 20 qof ayaa ku geeriyooday markii  Labo gaari oo xamuul ah oo siday hub ka yimid dalka Ethiiopia ay ku dagaalameen ciidamo ilaalo ka ahaa hubkaas, iyo maleyshiyaad kasoo jeeda degmada Cabudwaaq ee gobolka Galgaduud. Maleyshiyaadka deegaanka ayaa la xaqiijiyay inay gacanta ku dhigeen guud ahaan hubkaas oo...
Alshabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarkii ismiidaamin ahaa ee xalay ka dhacay maqaayadda Top Coffee oo kutaala degmada Boondheere ee gobolka Banaadir, halkaas oo ay ku geeriyoodeen ugu yaraan shan qof iyo dhaawaca 20 kale. War qoraal ah oo lagu baahiyay baraha internetka Alshabaab, ayaa lagu sheegay in kooxdu ay weerar...
Wareegto kasoo baxday Xafiiska Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliya Jenaraal Mahad Cabdiraxman Aadan ayaa shaqo ka joojin si ku meel gaar ah waxaa loogu sameeyay taliyahii Xabsiga dhexe Seereeye guuto Daahir Cabdulle Raage, kadib weerarkii khasaaraha geystay ee maalin kahor ka dhacay Xabsiga dhexe ee Xamar. Wareegatada ayaa sido kale lagu...
Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Jenaraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo loo yaqaano taliye Shub ayaa shaaca ka qaaday in furahayahii Xabsiga dhexe ee lagu dilay weerarkii Xabsiga Dable Xasan Xuseen Raage in taalo geesinimo looga dhisi doono gudaha Xabsiga. Dable Xasan Xuseen oo ahaa furahayaha Xabsiga ayaa waxaa toogasho ku dilay...
Qarax ka dhacay bannaanka maqaaxi lagu shaaheeyo oo ku taalla degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan shan qof, sida ay booliisku sheegeen. Dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay qaraxan ayaa daawanayay ciyaartii u dhaxeysay Spain iyo England, ka hor intaanu gaari laga soo buuxiyay...
Xeer ilaaliyaha guud ee Soomaaliya ayaa faray hay’adaha dambi baarista inay jawaab ka keenaan sababta ay ku suurto gashay in gudaha xabsiga Muqdisho ay weerar ka geystaan maxaabiis  xukuman oo katirsanaa Alshabaab. Dr. Saleebaan Maxamed Maxamuud ayaa sheegay inay tahay wax aan la filaynin in fal nuucaas ah uu ka...
Madaxweynahii hore ee dalka Mareykanka Donald Trump ayaa ka badbaaday isku day lagu doonayay in lagu dilo, waxaana dhaawac fudud uu kasoo gaaray Trump dhagtiisa midig. Laamaha amaanka dalkaas ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in la toogtay qofka fuliyay weerarkaas lagu khaarajin rabay madaxweynahii 45-aad dalka Mareykanka. Muqaalo lagu baahiyay baraha bulshada...
Wararka ka imaanaya degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Xalay Xaafad ka tirsan degmadaas ay ka dhacday dhacdo si weyn uga aragagaxeen dadka ku nool degmadaas, kadib markii nin askari ahaa uu dil u geystay xaaskiisi hore iyo hooyadeed. Ninka askariga ah ee dilay Xaaskiisii hore iyo Hooyadeed...
Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibadda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa si adag uga jawaab celiyay hadal dhawaan kasoo yeeray Lataliyahii amniga Qaranka ee madaxweyne Farmaajo, kaasoo ahaa in dowladda hadii aysan iska dhicin karin Itoobiya iney u baneeyso Al-shabaab. Wasiirka Fiqi ayaa qoraal uu bartiisa X ku daabacay ku...
Afhayeenka ciidanka Asluubta Soomaaliya Cabdiqani Maxamed Qalaf ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay weerar khasaare geystay oo maanta ka dhacay gudaha Xabsiga dhexe ee Xamar. Afhayeenka ayaa sheegay in weerarka si rasmi ah loo soo afjaray laguna dilay 5 maxbuus oo ka mid ah ragii dagaalamay, islamarkaana sidoo kale weerarka...