Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal beeleed khasaare geystay oo maanta ka dhacay xaafado ka tirsan degmada Qoryooleey ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa gudaha magaalada Qoryooleey ku dhexmaray laba maleeshiyo beeleed oo halkaasi wada daga, kuwaas oo horay ugu wada dagaalamay gudaha degmadaasi iyo...
Wararka naga soo gaaraya deegaanka Buulo xaaji ee gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in horjoogayaal ka tirsanaa kooxda Al-shabaab ay isku soo dhiibeen ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ee dhawaan la wareegay gacan ku heynta deegaanaas.
War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in afar...
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dacaayad la buun buuniyay ku tilmaantay muuqaal laga soo duubay Al-Shabaab, oo ay kusoo bandhigeen dagaalamayaal cusub oo qaatay tababar.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa bartiisa twitter-ka ku sheegay in muuqaalka kooxdan uu muujinayo, in ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay Al-Shabaab ka...
Mareykanka ayaa sii xoojinaya inuu diiradda saarayo la dagaalanka kooxaha mintidiinta Soomaaliya, kadib markii ay sii kordhayaan bartilmaameedyada lala xiriirinayo kooxda Daacish ee ka soo cusboonaatay saldhiga ay ku leeyihiin Geeska Afrika.
Saraakiisha Mareykanka ayaa ka walaacsan in Daacishta Soomaaliya ay halbowle u tahay isku xirka
maaliyadda caalamiga ah, iyo martigelinta...
Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa magaalada Nairobi ka bilaabay shir lagu horumarinayo is dhexgalka Soomaaliya iyo bulshada ururka EAC.
Xoghayaha guud ee EAC Veronica Muini Ndui Nduiva, ayaa sheegtay in Soomaaliya ay xubin buuxda ka noqotay EAC bishii Maarso, ka dib markii ay si rasmi ah usoo gudbisay heshiiskeeda...
Ciidanka booliska Puntland ee Gobolka Mudug oo magalada Galkacyo ka sameeyay howlgal ku saabsanaa la dagaalanka burcadbadeeda, ayaa gacanta Kusoo dhigay taliyihii hogaaminayay kooxdii burcad badeedda ee $5 Milan ee madax furashada ah ka qaatay Markabkii MV Abdalla.
Howlgalkan oo ay ciidanka ka fuliyeen xaafada siinaay ee ee waqooyiga magalada...
Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee maamulka Puntland ayaa xukunno kala duwan ku ridday garsoorayaal iyo xeer ilaaliyaal katirsanaa maxkamaddaas, kuwaas oo lagu eedeeyay inay sii daayeen maxaabiis u xirnaa inay katirsan yihiin burcad badeed iyo Shabaab.
Maxkamadda ayaa garsoorayaashan iyo xeer ilaaliyaashan ku xukuntay midkiiba xukun u dhaxeeya 2 illaa...
Inta la xaqiijiyay hal ruux ayaa ku dhintay laba kalana way ku dhaawacmeen shaqaaqo ka dhacday galinkii dambe ee Shalay kaam lagu qeybinayay hilibka Udxiyada oo ku taala magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Shaqaadadaan ayaa ka dhacday Kaamka barakacayaasha Shabeelle ee ku yaala xaafada Kooshin ee magaalada Baledweyne, kadib...
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa si adag uga jawaab celiyay hadalo mudooyinkii dambe kasoo yeerayay wasiiro ka tirsan dowladda Itoobiya.
Hadallada kasoo yeerayay Wasiiradda ka tirsan Xukuumadda Itoobiya ayaa la xariiray heshiiskii Itoobiya ay la gashay Somaliland, kuwaas oo marar badan ku celceliyay in Itoobiya...
Booliiska dalka Israaiil ayaa xiray wiil yar oo aan qaan-gaarin oo kasoo jeeda dalkaas, kaasoo lagu eedeeyay inuu qorsheynayay inuu ku biiro Daacishta Soomaaliya, si uu weeraro uga geysto Israa’iil iyo dibadda.
Warbixin uu booliisku soo saaray ayaa lagu sheegay, in wiilkan yar uu damacsanaa inuu weeraro argagaxiso ka geysto...


















