Thursday, August 13, 2026
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay xun tahay in laba ka mid ah xubnaha Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ay soo wajahday xaalad amnigooda khatar la galiyay iyagoo ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u beenisay wararka sheegaya in dowladda Federaalka ay ka dambeyso in labada...
Suldaanka Guud ee Somaliland Suldaan Da'uud Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, ayaa sheegay in uu shalay ka badbaaday dil kadib markii uu askari xabad ku riday. Suldaanka ayaa waraysi uu MMTV siiyay ku  sheegay in la damcay in la dilo, oo ay askartu xabad u adeegsadeen kadib mudaharaad lagaga soo horjeeday...
Wada xaajoodyada ku saabsan maalgalinta ciidamo cusub oo beddela kuwa haatan jooga Soomaaliya ee ka socda Midowga Afrika ee ATMIS, ayaa noqday arrimo xaajadoodu adag tahay oo ay ka cago jiidayaan Midowga Yurub iyo Maraykanka. Midowga Yurub ayaa doonaya in la helo amar ka adag kan ay Soomaaliya rabto ee...
Ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa isaga baxay degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada dhexe ahna caasimadda maamulka Hirshabeelle. Saraakiil katirsan howlgalka ATMIS ayaa ku wareejiyay Ciidanka Xoogga Dalka Saldhigyadii ciidamada ATMIS ay ku lahaayeen magaalada Jowhar, taasoo qeyb ka ah wejiga 3-aad ee bixitaanka ciidamada shisheeye. Ciidamada...
Ururka Midowga Afrika ayaa darsaya codsi uga yimid dowladda Soomaaliya, kaasoo ah in la dhimo ka bixitaanka ciidamada nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee ATMIS. Sarkaal ka tirsan Midowga Afrika oo codsaday inaan magaciisa la sheegin ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in bishii May ee sannadkan ay dowladda...
Dowladda Soomaaliya ayaa codsatay in hoos loo dhigo bixitaanka ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika, iyadoo ka digtay xaaladda amni darro ee dalka, sida lagu sheegay dukumiintiyo ay aragtay wakaaladda wararka ee Reuters. Si kastaba ha ahaatee, warqad ay dowladda Soomaaliya bishii hore u dirtay ku-simaha guddoomiyaha golaha ammaanka iyo nabad-galyada...
Xildhibaan Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan oo maanta shir jaraa'id ku qabatay magaalada Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday ineysan ka tanaasuleyn musharaxnimadeeda kursiga Guddoomiyaha Midowga Afrika oo doorashadiisa la qaban doono sanadka soo socda ee 2025. Waxay sheegtay in madaxda dowladda iyo kuwa dowlad goboleedyada qaar iney ka dalbadeen in ay...
Dhallinyaro ka gadoodsan xadhiga Cismaan Cumar Dool oo xukuumada Somaliland ka dhaliila baraha bulshada, ayaa mudaharaad ka dhigay magaalada Hargaysa. Suldaanka Guud ee Somaliland Suldaan Daa'uud Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, oo dhallinyarada la hadlay ayaa ku baaqay in Dool si dhakhso ah loo sii daayo "24 saacadood gudahood hadii ninkaa...
Xafiiska arrimaha Xajka ee dowlada Fedaraalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixiyay tirada Xujaayda Soomaaliyeed ee sanadkaan ku geeriyootay dalka Sacuudiga. Madaxa Xafiiska arrimaha Xajka ee dowladda Soomaaliya Khadar Daahir ayaa sheegay in ilaa Lix Xaaji oo ka mid aheyd Xujaayda Soomaaliyeed iney geeriyoodeen intii lagu guda jiray gudashada waajibaadka Xajka...
Dowlad goboleedka Puntland ayaa meesha ka saaray khatarta ku saabsan in deeganadeeda ay kusii badanayaan kororka joogitaanka kooxda Daacish. Saraakiil ka tirsan hay’adaha amniga Puntland oo la hadlay warbaahinta HOL ayaa u sheegay, in aysan jirin khatar amni oo xilligan Puntland kagasoo wajahan Daacish, inkastoo ay sheegeen in Daacish ay...