Thursday, August 13, 2026
Taliska ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS ayaa sheegay in saldhiga Ceel Ceeglow ee gobolka Shabeellaha Dhexe ay ku wareejiyeen ciidamada dowladda Soomaaliya, iyadoo howlgalka Midowga Afrika uu sare u qaadayo ka bixitaanka ciidamadooda ee gudaha Soomaaliya. Waa saldhiggii ugu dambeeyay ee militari ee ATMIS ay ku wareejiyaan ciidamada dowladda, waana...
Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in dalabka uu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud u soo bandhigay Itoobiya aanu ahayn fikir ahaan wax suurtogeli kara oo maangal ah. Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa X ku sheegay in Soomaaliya anay lahayn deked u dhow Itoobiya...
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa  maanta magaalada Muqdisho ka furay shirweynaha wadatashiga ee Dallada Bulshada Bariga Afrika, kaasoo ay ka soo qeyb galeen xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, khubarada dhaqaalaha, Safiirro iyo Wakiillo ka socday Jaamacadaha dalka ayaa lagu soo bandhigay qorshaha Soomaaliya ee Dallada Bulshada...
 Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka ee ka howgala magaalada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ayaa gacanta ku dhigay nin Ajnabi ah oo ka tirsan kooxda Al-shabaab. Ninkaan Ajnabiga ah oo u dhashay dalka Yaman ayaa la sheegay in ciidamadu ay ku qabteen deegaanka Mareeg oo ka mid ah...
Inta la xaqiijiyay laba caruur ah ayaa ku geeriyootay roob xoogan oo 24-kii saacadood ee la soo dhaafay ka da'ay gudaha magaalada Muqdisho10 saacadood oo xiriir ah. Roobkaan oo ahaa kii ugu xoogana ee ka da'a mudooyinkaan dambe gudaha magaalada Muqdisho ayaa dhaliyay khasaarooyin isugu jira dhimasho, dhaawac, burburka guryo...
Ku dhawaad 10 qof ayaa ku geeriyooday, halka 15 kalena ay ku dhaawacmeen dagaal labo maleyshiyo beeleed ku dhexmaray degaanka Labi Maygaag oo dhaca bariga gobolka Mudug. Labada maleyshiyo beeleed ee dagaalamaya ayaa kasoo kala jeeda Puntland iyo Galmudug, wuxuuna dagaalku salka ku hayaa muran deegaanka ah iyo aanooyin qabiil...
Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, ahna musharrax u taagan guddoomiyaha Midowga Afrika, Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadam ayaa nasiib darro ku tilmaamtay in doonisteeda kursiga Midowga Afrika loo turjumayo in ay Somaliland goynayso. Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadam waxay sheegtay kursigaasi inuu yahay mid loogu shaqeeyo Soomaaliya magaceeda iyo jiritaankeeda. Waxay...
Booliiska Somaliland ayaa Cismaan Cumar Dool oo ka tirsan xisbiga Waddani, oo dhawaan xabsiga loo taxaabay ku eedeeyay qarandumisnimo iyo dagaal oogis. Afhayeen u hadkay booliiska ayaa yidhi "Waxa uu dadwaynaha Somaliland ku dhiirigalinayay in ay ka horyimaadaan shuruucda iyo kala danbaynta dalkan u dagsan, safarkii ugu danbeeyay waxa uu...
Ku dhawaad afar kun oo askari oo ka tirsan ciidamada Itoobiya ayaa la sheegay in 48 saacadood ee lasoo dhaafay ay soo galeen qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan, kuwaas oo tagay degmada Matabaan. Ciidamadaan oo ah kuwa aad u hubeysan ayaa qaab lug ah uga soo talaabay xadka gobolka...
Dowladda Iiran ayaa lagu eedeeyay inay gadaal ka riixayso sidii Xuutiyiinta dalka Yemeniinta ay wada shaqayn dhow ula yeelan lahaayeen kooxda Alshabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya. Saraakiil katirsan sirdoonka Maraykanka oo qariyay magacooda in la xuso ayaa wakaaladaha wararka u  sheegay in Iiran ay qeyb ka tahay qorshaha Xuutiyiintu hub...