Dowladda Ingiriiska ayaa ku dhawaaqday 7.5 milyan oo gini oo dheeraad ah oo lagu taageerayo Hawlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), taasoo ka dhigaysa wadarta guud £77 milyan oo ay ku taageertay ciidamada nabad ilaalinta Soomaaliya tan iyo 2021-kii.
Kaalmada UK waxa ay siin doontaa gunnooyin ciidamada...
Masar ayaa lagusoo waramayaa inay dhiseyso howlgalkeeda milateri ee Soomaaliya ka hor inta aan la gaarin bisha December 31-da oo ku beegan in ciidamada Itoobiya ay ka baxaan Soomaaliya.
Qaahira ayaa sidoo kale tababaro siineyso ciidamada Soomaaliya ee dagaalka kula jira Alshabaab, sida ay ilo-wareedyo u sheegeen wargeyska The National.
Masar...
Xisbiyada Kulmiye iyo Wadani oo Gudiga Doorashooyinka Somaliland Mid kasta Ganaax Lacageed ku Ridey.
Koomiishanka Doorashooyinka Somaliland ayaa xisbiyada Kulmiye iyo Waddani ku ganaaxay midkiiba 10 milyan oo Shillinka Somaliland ah, kadib ollole ay sameeyeen kahor bilowga ollolaha rasmiga ah ee doorashooyinka.
Guddida Anshaxa ee Koomiishanka oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in xisbiyadani ay ku xadgudbeen xeerka anshaxa kadib ollolayaal hordhac ah oo...
Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Raysal wasaare ku xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta heshiis ka gaaray khilaaf maalmahii lasoo dhaafay u dhaxeeyay.
War qoraal ah oo uu soo saaray guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa lagu sheegay inuu u tanaasulay Raysal wasaare...
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal beeleed geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo maanta ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Mudug.
Inta la xaqiijiyay ilaa 4 ruux ayaa ku geeriyootay 11 kalena way ku dhaawacmen dagaal beeleedka maanta ka dhacay tuulooyin hoostaga deegaanka Docoleey ee gobolka Mudug.
Dagaalka...
Maamulka Jubbaland ayaa sheegay inay fashiliyeen isku day ay kooxda Alshabaab ku doonayeen in ku qabsaadaan tuulada Buulo Xaaji oo Kismaayo hoos timaada, halkaas oo bilo ka hor ay ciidamada Jubbaland ka xoreeyeen Shabaab.
Afhayeenka ciidamada Jubbaland, Gaashaanke Sare Maxamed Faarax Daahir, ayaa sheegay in kooxda Shabaab ay dagaal xooggan...
Raysal wasaare ku xigeenka Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa si adag uga horyimid talaabadii uu Shalay guddoomiyaha Aqalka sare uga xayuubiyay xubinimadii kursiga Golaha Aqalka sare.
Saalax Axmed Jaamac ayaa talaabada xil ka xayuubintiisa ee uu qaaday guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi ku tilmaamay mid sharci darro ah...
Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ugu qaabilsan arrimaha Soomaaliya, James Swan oo weli ku guda jira la kulanka madaxda Soomaalida ayaa maanta wada-hadallo la yeeshay madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimo ay ka mid yihiin dadaallada dowlad dhisidda Soomaaliya, qorshayaasha socda...
Soomaaliya ayaa si adag uga hadashay hanjabaadda Itoobiya ee ku aaddan muranka dublamaasiyadeed ee ka dhashay heshiiskii Addis Ababa iyo maamulka Somaliland.
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa sheegay in Soomaaliya aysan cabsi gelin doonin hanjabaadaha Itoobiya, uuna diyaar u yahay dalku inuu ka jawaabo tallaabo kaste oo ka...
Guddoomiyaha aqalka sare ee Soomaaliya Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa Golaha aqalka sare usoo gudbiyay qoraal ku saabsan inuu xubinimadii aqalka sare lumiyay raysal wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac.
Kulanka aqalka sare ayaa laga sheegay in Senator Saalax Jaamac uu maqnaa 4 kalfadhi oo xiriir ah, isagoo...


















