Qaar kamid ah mucaaradka Jubbaland ayaa ku hanjabay in ay qaban doonaan doorasho hal dhinac ah, kaddib markii ay ka hor yimaadeen guddiga doorashada Jubbaland.
Mucaaradka ayaa ku gacan seyray magacaabista madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe uu Sabtidii ku magacaabay guddiga madaxa banaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka (IBEC) oo ka kooban...
Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in saacadahii lasoo dhaafay lagu dilay inta u dhaxeysa magaalooyinka Wanlaweyn iyo Afgooye ee gobolkaas laba askari oo ka tirsanaa ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Labadaan askari ayaa ku safraayay wadada xiririsa Wanlweyn iyo Afgooye, waxaana dilkooda fuliyay xubno ka tirsan kooxda...
Waxaa si weyn loo kordhiyey tallaabooyinka sugida amaanka magaalada Kismaayo iyo nawaaxigeeda, iyadoo gudaha magaalada lagu arkayo ciidamo aad u fara badan, waxaana aad loo adkeeyay heeganka xarumaha muhiimka ah oo uu ku jiro garoonka diyaaradaha Kismaayo.
Kolonyada gaashaaman iyo kuwa ciidamada daabula ayaa hadda si caadi ah loogu arkayaa...
War saxaafadeed ay maanta soo saareen xildhibaanada baarlamaanka federaalka Soomaaliya ee kasoo jeeda Jubaland, ayaa waxay walaac xooggan kaga muujiyeen tallaabooyinka ay qaadday dowladda Federaalka, kuwaas oo ay sheegeen in ay wiiqayaan wada xaajoodyada socda, isla markaana ay qeyb ka qaadanayaan xiisadaha haatan jira.
Mudanayaashan oo wadatashiyo u jooga magaalada...
Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulan wadajir ah oo ay Shir Gudoomisay Gudoomiye Kuxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Marwa Sacdiya Yaasin Xaaji Samatar, waxaana maanta ajendaha uu ahaa ansixinta xeerarka Doorashooyinka, ururrada iyo xisbiyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo sharciga dhismaha guddiga doorashooyinka, soohdimaha...
Golaha Wakiillada SSC- Khaaatumo ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka Soomaaliya in wax ka beddelka dastuurka uu noqdo mid loo wada dhan yahay, oo ay ku lug leeyihiin dowladda Federaalka iyo dhammaan dowladaha xubnaha ka ah.
Warsaxaafadeed kasoo baxay Baarlamaanka SSC- Khaaatumo ayaa lagu sheegay in loo baahan yahay Puntland, Jubbaland,...
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa xalay ka degay magaalada Riyadh ee Caasimadda Dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya.
Madaxweynaha ayaa maanta oo Isniin ah la filayaa inuu dalkaasi kaga qeyb galo Shirka wadamada Islaamka iyo Carabta oo diirada lagu saari doono wax kaqabashada dhibaatada ka taagan Bariga...
Midowga Afrika ayaa go’aamiyay in ciidamada ka qeyb galaya howlgalka nabad ilaalinta ee soo socda ee Soomaaliya ay ka imaanayaan oo kaliya waddamada ixtiraamaya madax banaanida Soomaaliya.
newsnsideGuddiga Midowga Afrika oo fulinaya go’aannada iyo hawl-maalmeedka Midowga Afrika, ayaa la-tashiyo la sameynaya dalalka Afrikaanka ah ee muujiyay inay diyaar u yihiin...
Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa cambaareysay go’aanka uu madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe xalay ku magacaabay guddiga doorashada ee maamulkiisa, iyadoo ku tilmaamtay mid sharci darro ah oo halis ku ah dadaallada dimuqraadiyeynta Soomaaliya.
War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa loogu baaqay Axmed Madoobe, inuu u hoggaansanaado heshiisyada...
Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa shaaca ka qaaday in maamulkiisa uu diyaar u yahay qabashada doorasho qof iyo cod ah.
Madaxweyne Qoorqoor oo ka hadlayay furitaanka kalfadhiga 11-aad ee Baarlamaanka Galmudug ayaa tilmaamay in deegaanada Galmudug laga hirgalin doonto go'aanadii kasoo baxay Shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka...


















