Hadal kasoo baxay Xarunta Ka Hortagga Argagixisonimada ee Kenya ayaa lagu sheegay in ugu yaraan 900 oo qof ay kunaf waayeen weerarada argagixisada tan iyo bilowgii qarnigaan ee sanadku markuu ahaa 2000.
16kii sano ee lasoo dhaafay ayaa dadkaasi badidood lagu dilay weeraro argagixiso gudaha Kenya. Intaa ayaa waxaa dheer...
Garoonka Diyaardaha Aadan Cadde ee Muqdisho, ayaa waxaa Maanta Kormeer ku tagay Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasoo u kuur-galay hawlaha ka socda garoonka iyo qaabka loo sugayo Amniga, kaddib markii dhawaan Diyaarad ay lahayd Shirkadda Daallo Airlines oo ka duushay Garoonka uu Qarax ka dhex-dhacay.
Wasiirrada kormeeray garoonka...
Dawlada Kenya ayaa sheegtay in ay jiraan dad ayagu siyaasadeynaya dib u celinta qaxootiga Soomaaliyeed ee kunool xerooyinka qaxootiga ee Dhadhaab iyo Kakuma ee dalka Kenya.
Dawlada Kenya ayaa eedeysay hayado aan dawli ahayn oo ay sheegtay inay siyaasadeynayaan arinkaa.Waxay khaasatan dawlada Kenya farta ku goday in ay walcinayaan hayadahaasi qaabka...
Waxaa safar ku gaaray Baydhabo saraakiil sare oo ka socda maxkamada ciidamada qalabka sida ee Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya ayadoo maalin ka hor ay ka bilaabatay Baydhabo maxkamadeynta latuhunsaneyaal loo maleeyay inay ka dambeeyeen qaraxyo dhawaan maqaayado magaaladaa kuyaala ka dhacay oo tobanaan qof ay ku naf waayeen...
Xildhibaan Siciid Maxamed Maxamuud Xeyd oo ka Tirsan Baarlamaanka Somalia, ayaa ka Warbixiyay sababihii ay ugu yeeraan dhawaan RW Somalia, Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Nabad-sugidda, ayna wax uga weydiiyeen Arrimo la xiriira ammaanka guud ee dalka.
Mudane Siciid Xayd oo u Warramayay VOA-da ayaa sheegay in mas’uuliyiinta Dowladda Somalia ay...
Dowladda Kuuriyada Waqooyi ayaa Maanta Hawada u dirtay laba Gantaal oo Balaastiko ah oo Xambaara kara Madaxyada Nuclear-ka, sida laga soo xigtay qaar ka mid ah saraakiisha dalkaas, waxaana tijaabadan ay imaanaysaa xilli lagu soo rogay dhawaan dalkaas cunno-qabteyn.
Sarkaal ka tirsan millateriga North Korea ayaa Warbaahinta u sheegay in Gantaalladaan...
Ciidammo Somali ah ayaa la sheegay in ay ka Qayb-qaateen hawlgalkii habeen hore laga fuliyay degmada Aw-dheegle ee Gobolka Shabeellada Hoose, kaasoo khasaarihii ka dhashay ay illaa hadda kasoo baxayaan warar kala duwan.
Hawlgalkan oo ay fuliyeen diyaaerado kuwa qummaatiga u kaca ah ayaa waxaa la sheegay inay ciidamadii la...
Kulamo looga tashanayo dhismaha maamul goboleedka Hiiraan iyo SH/dhexe oo ka socda magaalada Jawhar.
Kulammo Gooni-gooni ah looga tashanayo dhismaha maamulka gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe ayaa ka socda degmada Jowhar oo lagu ballan-san yahay inuu dib uga furmo shirka dhimasha maamulka Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan.
Wararka ayaa intaas ku daraya in shirarkan gooni-goonida ah ay leeyihiin Waxgaradka iyo siyaasiyiin ku sugan Jowhar, iyadoo warbaahinta...
Illaa Afar qof oo rayid ah oo laba ka mid ah ay carruur yihiin ayay dhaawacyo kasoo gaareen maadaafiic ay xaafado ku yaalla galbeedka degmada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose Al-shabaab xalay kusoo tuureen.
Madaafiicdan ayaa ku dhacay Guryo ay deggenaayeen Dad shacab ah, Waxaana firirkii ka dhashay Madaafiicda ku...
Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI, ayaa Dacwad ka dhan ah Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID, Inj. Faysal Cali Waraabe u gudbiyey Gudiga doorashooyinka Somaliland, taasoo lagu dalbaday inay tallaabo ka qaadaan, kaddib markii la sheegay in erayo amniga khalkhalgalinaya ku yidhi gudoomiyaha xisbiga Wadani C/raxmaan Cirro.
Qoraal ka soo baxay xisbiga...


















