Monday, August 3, 2026
Allaha u naxariistee, waxaa saaka maagalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ku geeriyooday Cabdi Xaaji Goobdoon, oo ahaa rug caddaa saxaafadeed, oo si weyn looga yaqiinay Soomaaliya. Cabdi Xaaji Goobdoon ayaa la sheegay inuu kusoo booday xanuun dhinaca wadnaha ah. Weriyahenna Ibrahim Xassan Dandurey ayaa Taariikh nololeedka , Cabdi Xaaji Goobdoon wax...
Kulan loogu duceynayay EEBBE u naxariistee Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif oo 03-dii bishan Janaayo ku geeriyooday degmada Beledweyne, isla markaana laguna taageerayay go'aamada, Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa lagu qabtay Muqdisho. Kulanka waxaa ka qayb-galay oo goob-joog ka ahaa xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, Siyaasiyiin, Aqoon-yahano, Dhallinyaro, Haween iyo Qurbo-joog. Dadkii...
Hillary Clinton oo ah Musharaxad ka socota Xisbiga Dimuqraadiga ah ee dalka Mareykanka ayaa sheegtay in Soomaalida ku dhaqan Gobolka Minnesota ay qaybta hore kaga jiraan la dagaalanka kooxaha argagixisada ah ee caalamka. Clinton ayaa hadalkan jeedisay mar ay su’aalo uga Jawaabeysay Dad Muslimiin ah oo ka qayb-galay kulan...
Toddoba ka tirsan ciidamada Kenya oo ka Haw-lgala Deegaanka dhirta badan ee Boni oo ka tirsan deegaanada xeebta dalka Kenya ayaa dhintay, kaddib markii Gaarigoodii ay la kacday Miino ay Waddada dhinaceeda ku Aaseen Xoogag ka tirsan Al-shabaab, Deegaanka Kiunga oo ka tirsan deegaanka Lamu ee xeebta Kenya. Deegaanka Kaynta...
Warbixin cusub oo sanadle ah oo ay maanta baahisay Hay’ada Transparency International ayaa Waddamada Soomaaliya, Kuuriyada Waqooyi & Afghanistan ku tilmaantay Dalalka ugu Musuq-maasuqa badan Caalamka oo dhan. Hay’adda ayaa warbixiinteeda ku xustay inay Warbixintan soo ururiyeen Khuburo ka kala socda Adduunka Daafihiisa, kuwaasoo Cabirayay Heerka Musuq-maasuqa Dhaqaalaha ay dowladuhu maamulaan. Khuburadan...
Ciidamada Kenya ee qeybta ka ahaa howlgalka AMISOM ayaa saaka aroortii hore isaga baxay degmada Badhaadhe ee gobolka J/hoose, halkaa oo ay ku lahaayeen saldhig miilitari. Ciidamada Kenya oo garab ka helaya kuwa dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubaland ayaa degmagaasi Al-shabaab kala wareegay 02-dii bishii Febraayo sanaddii 2012. Gudoomiyaha gobolka...
Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cusmaan oo wafdi uu hoggaaminayo ay Magaalada Baqdaad uga Qayb-galeen Shirka Baarlamaannada dalalka Iskaashiga Islaamka; ayaa kulammo gaar-gaar ah la qaatay guddoomiyeyaasha baarlamaannada; Iraq, Turkey iyo Pakistan. Kulankii u horreeyay ayuu la qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka, Pakistan Sardar Ayaz Sadiq iyadoo kulankaasina looga wadahadlay Abuuridda iskaashi...
Taliyaha Ciidamada Xoogga Somalia, Jen. Maxamed Aadan Axmed, ayaa maanta kusoo dhaweeyay Muqdisho Taliyaha ciidanka Lugta ee dalka Sweden, Brig-General Stefan Andersson oo ku yimid booqasho Muqdisho. Labada taliye oo kulan gaar ah ku yeeshay dhismaha Wasaarada Gaashaandhigga Somalia, ayaa ka Wada-hadlay xoojinta Taageerada ay Xukuumadda Sweden siiso Ciidanka...
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh, Ra’iisul Wasaare, Cumar C/rashiid iyo Guddoonka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya oo uu ugu horreeyo Maxamed Sh.Cismaan Jawaari ayaa si isku mid ah uga hadlay geeridii maanta ku timid marxuum Cabdi Xaaji Goobdoon, oo isla manta lagu aasay Muqdisho. MADAXWEYNA: Cabdi X. Goobdoon wuxuu ahaa hawlkar taariikhdu xusi...
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Aqaba ee Boqortooyada Urdun kaga Qayb-galay shir madaxeed gaar ah oo arrimaha Amaanka iyo argagixisada looga hadlayay. Shirkan oo uu martigeliyay Boqor Cabdalla Bin Xuseen ayaa waxaa madaxda kasoo Qayb-gashey ka mid ahaa Madaxweynaha Djibouti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, RW dalka Ethiopia Hailemariam Desalegn, wafdi...