Thursday, August 6, 2026
Waxaa deegaanka Carooley oo 100-km waqooyi-bari uga beegan magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool ayaa laga furay Dugsi Sare kaasoo shaqsi keligiis ahi uu ka Hir-geliyey, isla markaana dhagax dhigay Dugsi Hoose/Dhexe oo lahaan doonto tuulada dhubuqdhub (Sinu-jiif) oo  Carooley hoostimada. Dadka degmada Carooley ayaa si  aan oo kala hadhin...
Ayada shirkii Madasha Wadatashiga Qaran ee bishii June 23keedii lagu go'aansaday in 135 oday ay soo xulaan Baarlamaanka  cusub ee Soomaaliya  ayaa waxaa soo shaac baxday in xubin cusub lagu soo daray. Warqad uu ku saxiixanyahay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari kuna socota Guddoomiyaha Guddiga Heer Federaal ee Doorashooyinka...
Angela Merkela oo ah haweneyda hoggaamisa dawlada dalka Jermalka ayaa dhalliil usoo jeedisay dalalka midowga Yurub. Angela Merkel ayaa dhalliishay siyaasadahooda ku wajahan qaxootiga gaar ahaan haatan oo weli loo maaro la'yahay qulqulka qaxootigaa. Waxay ku dhalliishay inaysan doonayn inay si wanaagsan usoo dhaweeyaan qaxootiga maadaama badankood qaxootigu yihiin Muslimiin. Warkaan...
Webiga Shabeelle ayaa biyo badan soo fatahay ayadoo roobabkii xilligaan la filaayay ay si wanaagsan uga hooreen nawaaxiga Jawhar. Dadka ku dhaqan nawaaxiga Jawhar ayaa haatan ka cabsi qaba in fatahaada webi Shabeelle ay sii kororto maadaama roobabku weli da'ayaan. Durba waxaa fatahaaduhu barakiciyeen dad badan oo dagganaa deegaanada BaarreyGumbi, Bayaxow,...
-Gobernatooraha Mandheera Cali Roba ayaa sheegay in degmadaa ay falal dambiyeed la dageen. Cali Roba ayaa intaa raaciyay in horumarka uu fal dambiyeedku hoos u dhigay oo horumarku uu haatan yahay mid gaabis ah. Cali Roba wuxuu sheegay in fal dambiyeedku uu tanaazul usameeyo adeegyada ama khadamaadka iyo koboca dhaqaalaha...
Saddax ruux oo labo ka mid ah la sheegay in ay ka tirsan yihiin Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhaawacmay qarax miino deegaanka Ceel cali ee galbeedka gobolka Hiiraan. Askartaan dhaawucu soo gaaray, ayaa la sheegay inay xilligaa at ku sugnaayeen koontarool lacagaha lagu qaaday, waxaana dhaawacooda lagu dabiibayaa isbitaal...
Madaxweynaha maamul-goboleedka Koonfur-galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo wafdi uu Hoggaaminayo ayaa maanta Gaaray Degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose, halkaasoo ah xarunta maamulka Koonfur-galbeed ee Soomaaliya oo hadda ku shaqeeya Baydhabo. Shariif Xasan ayaa la filayaa inuu xarigga ka jaray xarunta madaxtooyada Koonfur-galbeed oo dhawaan laga dhisay degmada Baraawe....
Murashaxii xisbiga Jamhuuriga ee aqalka degmada ee Minneapolis ayaa sheegay inuu soo afjaraayo ololihiisa si uu u qabto hawlo la xiriira qoyskiisa. Cabdimaalik Askar iyo Ilhaan ayaa waxaa ay ku loolamayaan kursiga degmada 60B ee Minneapolis. Waxaa la aaminsan yahay inuu yahay tartankii ugu horeeyay ee loo galo xafiis dawladeed Mareykanka...
Safiirka Dowladda Somalia u jooga Mareykanka Axmed Ciise Cawad ayaa maanta soo gaaray magaalada Columbus Ohio ee dalka mareykanka. Socdaalka Safiirka iyo wafdigiisa waxa uu salka ku hayaa sidii uu ula kulmi lahaa qeybaha kala duwan ee jaaliyada Soomaaliyeed, waxaana garoonka diyaaradaha ee magaalada Columbus ku soo dhaweeyay qaar ka...
Hal qof ayaa ku dhintay miino ku kacday gaari marayay inta u dhexeysa Raskiamboni iyo Kiunga shalay Sabtidii galinkii dambe. Wadaadka lagu magacaabo Maxamed Shima ayaa ku dhintay isla meeshaa. Askari booliis ahaa oo safarka ku weheliyay ayaa asagu ka badbaaday qaraxaa iyo rasaas ka dambeysay oo lasheegay in lagu...