Musharixii xisbiga Dumuquraadiga ee looga adkaaday doorashadii dhawaan ka dhacday dalka Mareykanka Hillary Clinton ayaa ku eedeysay guuldaradii ka soo gaartay dorashada, Agaasimaha FBI-da James Comey, oo shaaciyay maalmo uun ka hor waqtiga doorashada in baaritaan lagu sameynayo Email-dii ay isticmaashay watigii ay aheyd xoghayaha arrimaha dibada Mareykanka.
Iyadoo khadka...
Sheekha caanka ah ee reer Tanzania, Nurdin Kishki ayaa xaflad soo bilaabatay shalay ka wada Nairobi Kenya taassoo ay ka soo qeyb galeen ama kasoo qeybgalayaan muslimiin badan oo ku sugan Nairobi.
Muxaadarooyin xafladaa sheekha iyo mashaaikh kale ay halkaa ka soo jeedinayaan ayaa waxaa mawduucyadooda kujira waxbarashada kadib markii...
Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay, Ban Ki-moon ayaa warqadaha aqoonsiga ka gudoomay danjiraha Somalia ee Qaramada Midoobay Yuusuf Garaad Cumar ,kaasi oo gaaray magaalada Newyork.
Kulan gaaban oo labada mas’uul dhex-maray ayaaa looga hadlay xaalad-da guud ee Somaliya ,waxaana safiirka uu Qaramada Midoobay uga mahad-celiyay sida ay Somalia u soo...
Iyadoo maanta la sheegey in heshiis lagu gaarey Gaalkacyo kaas oo ay goob joog ka ahaayeen ergeyga wakiilka QM Meachel Keeting,RW Cumar C/rashiid,madaxda maamulada Puntland iyo Galmudug iyo saraakiil kale oo ka socdey Africa iyo Igad.
Maamuladda Galmudug iyo Puntland ayaa duqeymaha kadib midba midka kale ku eedeeyey in uu...
Tartankii kuraaska xubnaha aqalka hoose ee baarlamanka dalka qeybta Jubaland ayaa weli ka soconaya magaalada Kismaayo, ayadoo maanta la doortay ilaa lix Mudane.
Doorashada ayaa saaka si dardar leh uga bilaabatay hoolka Daawad ee magaalada Kismaayo, ayadoo ay xarunta ku sugnaayeen ergada lixda Beelood ee maanta ku tartameeysay kursiga aqalka...
Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in goor dhaw uu halkaa ka degay wakiilka gaar ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating iyo saraakiil kale.
Wafdiga QM ee goor dhaw tagay magaalada Gaalkacyo ayaa qeyb ka ah wafuud kale oo la sugayo saacadaha soo socda kuwaa oo...
Gabadhii ugu horreysay oo Soomaali ah, ayaa ka mid noqotay booliiska magaalada Edmonton ee Gobolka Alberta ee dalka Canada, gabadhan oo haysata dhalashada dalkaas.
Amaal Cabdi, ayaa ka ahayd 30-askari oo Booliis ah oo Xalafad Qalin-jabin ahayd loogu Qabtay Magaalada Edmanton, Waxayna Amaal Noqonaysaa Gabadhii ugu Horreysay oo Soomaali ah...
Labo wiil oo Soomaali ah ayaa midna lagu dilay midna lagu dhaawacay Ohio, Mareykanka.
Labada wiil ayaa midkood ka shaqeyn jiray dawlada hoose ee Ohio. Labada wiil ayaa la sheegay inay ka yaraayeen da'da 30 sano jirka.
Labada wiil ayaa kii dhintay maahee kii kale iminka isbitaal uu ku jiraa asagoo...
Ciidammada dowladda ee maamulka gobolka Hiiraan howlgal ballaaran ka wadda qeybo ka mid ah xaafadda magaalada Beledweyne, gaar ahaan xaafaddaha Buundo-weyn iyo howl-wadaag.
Ciidammada ayaa subaxnimadii hore ee saakay howlgal guri guri ah ka fuliyay xaafadda Buundo-weyn oo habeen hore rag hubeysan ku toogteen labo askari oo ka tirsanaa ciidammada...
Dagaal beeleed ka dhacay deegaan ka tirsan gobolka galgaduud ayaa geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira.
Dagaalka ayaa salka ku hayay aano qabiil. Deegaanka uu dagaalku ka dhacay ayaa u dhexeeya Xeraale iyo Balambale.
Odayaasha, culimaau diinka iyo wax garadka degmada Caabudwaaq ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaalka oo...


















