Kaddib todobaadya hakad uu ku yimid doorashada xubnaha aqalka hoose ee gobollada W/qooyi, ayaa lagu wadaa in maanta oo Axad ka sii socto magaalada caasimada ah ee Muqdisho.
Doorashadan ayaa waxaa ka mid noqon doona xubno xilal waaweyn ka soo qabtay dowlada Soomaaliyam waxaana ka mid ah ra’iisal wasaare ku-xigeenkii...
Dowladda federaalka Soomaliya, gaar ahaan wasaarada maaliyada ayaa sheegtay in xildhibaannada aqalka sare wax mishaar ah helin doonin bilaha ugu soo horeeya sanadkan 2017da.
Max’ed Aadan Ibraahim Fargeeti, wasiirka wasaarada maaliyada xukuumada Soomaaliya ayaa sheegay in miisaaniyada dowlada ee la dajiyay sanadkii hore ku jirin mishaaaraad iyo xuquuq ay yeellanayan...
Sanadka cusub ee miilaadiga ee maanta taariikh kow ay tahay bishiisa Janaayo 2017 ayaa aad xalay looga soo dhaweeyay caasimada Kenya ee Nairobi.
Bulaleyr ama baaruut ayaa la ridayay xalay laga soo bilaabo bartamihii habeynimo ama saqdii dhexe. Sanadkaan cusub ayaa waxay dadku rajeynayaan barwaaqo iyo horumar.
Soomaalida xaafada Islii ee...
Isbaheysiga Xisbiyada Siyaasada Soomaaliyeed ayaa hambalyo ku aadan sanadka cusub ee miilaadiga 2017ka u direy umadda soomaaliyeed meel waba oo ay ku noolyihiin iyadoo loo rajeeyey sanadkan sanadkiisa alle ku gaarsiiyo horumar iyo barwaaqo.
Gudoomiyaha Isbahrysiga Xisbiyada Siyaasada Soomaaliya Cali Maxamed Nuux TIMAJILIC oo warbaahinta la hadley ayaa yiri:-
Umadda soomaaliyeed...
Askari ka tirsan ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa goor dhaw ku dilay xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya taliye ku-xigeenkii ilaalada madaxtooyada oo magaciisa lagu sheegay Cabdi Qoorgaab.
Waxaa sidoo kale toogashada sarkaalka ku dhaawacmay askar kale oo ka tirsanaa ciidamada sida ay warbaahinta u sheegeen dad ka agdhawaa halka falka dilka ah...
Kulan-aqooneed ay soo qaban-qaabisay Akadeemiye-Goboleedka Af-Soomaaliga (AGA) kuna abaal-marineysey Golaha Abwaannada Soomaaliyeed ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho maanta oo ahayd 30kii bisha Disember 2016, Halku dhegga kulanku wuxuu ahaa Sida Af Soomaaliga iyo Hal-abuurkiisu Horseed ugu Noqon karaan Nabad-raadinta iyo xumaan-diidka.
Munaasabaddii kulankaasi oo si qurux badan loo soo agaasimay...
Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa sheegay inuusan eryeyn diblomaasiyiin reer Mareykan ah oo Ruushka jooga kadib dhacdadii lagu soo eryay 35 diblomaasi oo Ruush ah.
Mareykanka ayaa soo eryay diblomaasiyiintaa kadib markii uu sheegay in dawlada Ruushku faragaliyeen doorashadii Mareykanka ee dhawaan dhacday.
Wasiirka arimaha dibada ee Ruushka ayaa madaxweynaha usoo...
Inta la og-yahay 21 ruux ayaa ku dhintay 40 kalana way ku dhaawacmeen labo qarax oo ka dhacay suuq mashquul badan oo ku yaala bartamaha magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq.
Qaraxyada ayaa ka dhacay dukaano isku dhow oo lagu iibiyo qalabka baabuurta oo ku yaalay suuqa Al Sinak ee magaalada...
Qaxootiga Soomaalida ee Yemen kunool ayaa daruufo adagi soo wajaheen.
Qiyaastii 4 kun oo qaxooti Soomaaliyeed ah ayaa daruufo adagi ku heystaan caasimada dalkaa ee Sanca.
Noloshooda ayaa dhibaato la kulantay wixii ka dambeeyay bilowgii dagaalka u dhexeeya dawlada iyo Xuutiyiinta.
Sanadkii hore bilowgiisii ayaa dagaalkaasi qarxay. Qaxootigaa ayaa waxaa heysta shaqo...
Dawlada dalka Burundi ayaa sheegtay inay Soomaaliya ka saarayso ciidamo 5000 ka badan kadib markii gunooyinkii laga goostay.
Ciidamadaa ayaa dhan 5500. Shalay Jimcihii ayaa dawlada dalkaasi sidaa ku goodisay.
Gunooyinkii sanad ayaan ciidamadaa lasiin. Midowga Yurub oo bixin jiray qarajkaa ayaan bixin.
Dawlada dalka Burundi ayaa sheegtay inay ciidamadaa la bixi...


















