Dhawaan ayeey Al-shabaab soo bandhigeen muuqaalka asarki ka tirsanaa ciidamada Uganda oo mudo dheer u afduubnaa oo toogasho lagu dilayo kadib markii ay ku qafaasheen weerar ay ku qaadeen saldhig ciidamada AMISOM ay ku lahaayeen gobolka Sh/hoose.
Afhayeenka Ciidamada Uganda Paddy Ankunda ayaa u sheegay wareyska Daily Monitor in ay...
Askari ka tirsanaa ilaalada Banki ku yaala magaalada Mandheera ayaa la dilay kadib markii weerar lagu qaaday xalay bankiga.
Waxaa loo maleynayaa in kooxo ka tirsan Al-shabaab weerar ku qaadeen xarunta, waxaana la sheegay in markii hore kooxaha weerarka geystay isticmaaleen Bam ay ku tuureen xarunta Bankiga.
Bankiga ayaa lagu magacabaa...
Beesha caalamka ayaa ugu baaqaday labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya in deg deg loo guda-gallo dhismaha guddi wadajir ah oo ka shaqeyn doona doorashada madaxweynaha Soomaaliya.
Beesha caalamka ayaa sidoo kale sheegtay in ay u taallo xildhibaanada cusub shaqo culus oo loo baahan yahay in ay u wajahaan si deg...
Inta la ogyahay ilaa 12 qof oo Soomaali ah ayaa waxaa xabsiga dhigay booliiska dalka Masar kadib hawlgal boolisku sameeyay.
Dadka la xir xiray ayaa lagu waramyaa in ay qaxooti ku ahayeen dalka Masar, madaama waayadii ugu danbeeyay halkaa ay ku sii qul qulayeen dad Africaan u badan oo uga...
Xarun bixisa la-talin caafimaadka dhimirka ku saabsan oo Soomaali maamusho ayaa laga furay Ohio Mareykanka.
Dhaqaatiir Soomaali ah ayaa ka hawlgali doona xaruntan waxaana lagu caawin doonaa Soomaali badan oo dagaaladii sokeeye iyo saameyntii ka dhalatay ay wax u dhimeen caafimaadkooda maskaxda.
Siddoo kale xarunta ayaa bixin doonta la talin la...
Waxaa goor dhaw gabi ahaanba la soo gabagabeeyay doorashada guddoonka aqalka sare ee Soomaaliya, kaddib markii xildhibaanno ka kooban 52 labo xubnood kala saareen 16 musharax oo u tartamayay guddoonka sare.
Doorashada guddoomiye ku-xigeenka aqalka labaad oo goor dhaw la soo gabagabeeyay ayaa waxaa ku guuleystay Mowliid Xusseen Guhaad oo...
-Laba qof ayaa ku dhimatay halka lagu magcaabo Higlo-dhacda oo magaalada Widhwidh K/galbeed uga beegan, kadib dagaal dhaxmaray maleeshiyada labo beelood.
Dagaalkan oo habeenimadii xalay ka dhacay degaankaasi ayaa la sheegay in uu ka dhashay muran dhinaca dhulka, gaar ahaan lahaashaha ceelal halkaasi ku yaal.
Wasiirka amniga maamulka Khaatumo Keyse Cabdi...
Toddobadda xubnood ee Guddida doorashooyinka Somaliland ayaa kulan ka yeeshay sidii ay u qiimeyn lahaayeen wakhtiga ku haboon ee doorashaddu dhici karto.
Guddidan kulanka gaar ah kaligood ku yeeshay xaruntoodda ayaa doonaya ka hor inta aanay xisbiyadda ay khuseyso iyo golaha Guurtidda kala kulmin mudadda ku haboon ay iyagu todobadoodda...
Doorasho aad u adag oo saddex wareeg leysla maray, ayaa ugu danbeyntii waxaa guddoomiye ku-xigeenka koowaad ku guuleystay Abshir Max’ed Axmed Bukhaari oo ka guuleystay Axmed Cabdi Dhuxuloow Dhagdheer.
Musharax Abshir Mukhaari ayaa ku guuleystay 30 cod, halka musharixii la tartamayay Axmed Cabdi Dhuxuloow uu helay 22 cod.
Goor dhaw ayaa...
Waxaa goor dhaw soo dhamaantay doorashada guddoomiyaha aqalka sare oo ay ku tartameen labo musharax, waxaana ku guuleystay guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaanshi Cabdullaahi.
Cabdi Xaashi C/dulllaahi ayaa hellay 43 cod, halka musharixii la tartamayay Mustafe Max’ed Qodax uu hellay 9 cod, iyadoo guud ahaan xildhibaannada codadka dhiibtay gaarayeen 52...


















