Thursday, August 13, 2026
Safar aan horay loo sii shaacin ayuu Xogahayaha cusub ee QM Antonio Guterres uu ku yimid Magaaladda Muqdishu manta oo Talaado ah. Amaanka magaaladda ayaa si weyn loo adkeeyay, balse imaanshaha Xogahayaha saameyn xoogan guud ahaan magaaladda kuma uusan yeelan, oo keliya waxaa la xiray laba wado oo magaaladda dhex-marta. Garoonka...
Xogahayaha cusub ee QM Antonio Guterres, ayaa hadda gaaray magaaladda Baydhabo ee Xaruunta ku-meel gaarka maamulka Koonfur-galbeed. Waxaa la filayaa in uu la kulmo madaxweyne Shariif Xasan, iyo xubnaha ka shaqeeya gurmadka Abaaraha dadka ay saameeyen. Koonfur Galbeed, waxaa ay ka mid tahay meelaha gaarka ah ee ay saameysay Abaarta. Ra’iisal Wasaaraha...
–Maxkamadda  Ciidmada Qalabka Sida ee Soomaaliya , ayaa manta waxaa ka soo hor muuqday 7-eedeysane oo lago eedeeyay in ay wax ka ogaayeen Qaraxyadii sandkii 2016 ka dhacay Suuqa Beerta. Qaxarii ka dhacay Suuqa, waxaa ku geeryooday 30 ruux oo u badnaa, ganacsato, halka ku dhowaad 40 kalena ay ku...
Ayadoo inta badan gobollada dalka Soomaaliya ay ka jiraan abaaro saameeyay dadka iyo duunyada ayaa waxa is soo taraya dadka u le’anaya saameynta ay ku reebeen abaaraha. Gobolka Gedo waxa uu kamid yahay gobollada dalka Soomaaliya ee ay sida ba’an u saameeyeen abaaraha, ayadoo gobolkan dadka ku dhaqan ay u...
-Wasiirada arrimaha dibadda dalalka jaamacadda Carabta ayaa kullan ku yeelanaya magaalada Qaahira, iyaga oo ka arisanaya dhowr arrimood oo ay ka mid tahay go’aanka Mareykanka uu safaaraddiisa Israaiil ugu rarayo magaaladda Quddus. Kulankan ayaa ku soo beegmaya xilli wasiirka arrimaha dibadda ee Britain Boris Johnson uu booqanayo israa’iil iyo Falastiin. Shirkaan...
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antnio Guterres, ayaa hadda ka soo degay garoonka diyaaradaha ee Magaaladda Muqdishu. Ujeedka socdaalkiisa ayaa lagu sheegay in ay tahay arrimaha Abaaraha Soomaaliya. Wariyaal ka tirsan Warsom oo ku sugan garoonka diyaaradaha ayaa soo sheegaya, in amaanka garoonka aad loo adkeeyay,. Imaanshaha Antnio Guterres, saameyn xoogan kuma...
Taliyaha Saldhiga Magaaladda Cadaado Cumar Xuseen Muumin, ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamadda Nabadsugida ay gacanta kusoo dhigeen laba ruux oo lagu tuhmayo in ay Qoorta ka gooyeen, gabar yar oo 7-jir ah. “ Ciidamadda Booliiska iyo Nabadsugid, ayaa howlgal ay sameeyeen ku soo qabtay labada ruux, waxaana ku wadnaa...
Deegaan lagu magacaabo Gaalleefta oo ka mid ah deegaanadda hoos taga magaaladda Jowhar ee xaruunta ku-meel gaarka maamulka Hirshabeelle, ayaa waxaa lagu soo waramayaa in Al shahaab ay dab qabadsiiyeen xalay. Masuuliyiinta degaanka, ayaa sheegay in tuullada ay bas-baxday, waxaana dadkii ku noolaa aysan heysan meel ay caawa ku hoydaan. “...
Xaflad balaaran oo lagu maamusayay maalinta Haweenka aduunka oo ku aadan 8 March ayaa lagu qabtay Xarunta looga arimiyo gobolka Ohio oo ku taal magaalada Columbus. Waxaa soo abaabushay Khadro Mohamed Shire oo ah aqoonyahanad u dhaq dhaqaaqda arimaha haweenka isla markaana madax ka ah Ururo kala duwan. Waxa ka soo...
Magaalada Muqdisho 24 saac ee la soo dhaafay waxaa ka dhacay dilal kala duwan oo ay geysteen kooxo hubeysan iyo ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya. Degmooyinka Yaaqshiid iyo Xamar Jabab ayaa kooxo hubeysan oo aan habeyntooda la aqoon waxaa ay ku dileen labo ruux. Dabley ku hubeysan bastoolado ayaa xalay gurigiisa...