Labo Qarax Xoogan oo ka dhacey agagaarka Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya.

0
759

Qarax xooggan ayaa ka dhacay nawaaxiga wasaaradda gaashaandhigga ee magaalladda Muqdishu, sida dadka deegaanka ay sheegeen.

Qaraxa ayaa waxaa lala beegsaday kolonyo ciidan oo ay la socdeen Saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda.

Xaruunta Wasaaradda Gaashaandhigga, waxaa maanta lagu qabtay munaasabad ay xilalka kula kala wareegayeen Taliyaha cusub ee Ciidamada xoogga Soomaaliya iyo Abaanduulaha Ciidamada xoogga, waxaana munaasabada ka qeyb-galay Taliyaal ciidan iyo madax kale.

Dadka deegaaka ayaa WARSOM u xaqiijiyay in ay arkeen saddex qof oo dhuulka jiifa.

Khasaaraha ka dhashay Qaraxa wali si rasmi ah looma xaqiijin.

Saraakiil ciidanka militeriga dowladda Soomaaliya ka tirsan oo aan la xiriirnay ayaa ka gaabsaday in ay faafaahin ka bixiyaan Qaraxa iyo khasaaraha ka dhashay.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyada weerarka.

warsom2011@gmail.com