Maxkamada ciidamada Puntland ayaa maanta dil toogasho ah fulisay ilaa shan dhalinyarro ah oo ku eedeysnaa in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab, islamarkaana dilal qorsheysan ka geysteen qeybo ka mid ah deegaannada Puntland gaar ahaan magaalada Boosaaso.
Wariyaha Hiiraan Online ee magaalada Boosaaso Feysal Boston ayaa sheegay in subaxnimadii hore...
Ra’iisal wasaare ku xigeenka cusub ee Soomaaliya Mahdi Maxamed Guulleed ayaa maanta si rasmi ah xafiiska ugala wareegay ra’iisal wasaarihii ka horeeyay Maxamed Cumar Carte oo mudo labo sano ah ku soo shaqeeyay xafiiska.
Maxamed Cumar Carte u mahad celiyey dhammaan madaxdii dawladdii hore iyo Shaqaalaha xafiiska ra’iisul wasaaraha, waxaana...
Dagaalyahanada Al Shabaab ayaa lagu soo waramayaa in ay weerar culus xalay ku qaadeen saldhiga ciidanka dowladda Kenya ay ku leeyihiin deegaanka Hoosingoow ee Jubada Hoose.
Weerarka ayaa loo adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, sida dadka deegaanka ay sheegeen.
Dhinaca kale, isla xalay Al Shabaab ayaa weerar xooggan ku qaadan Jaziirada...
Wasiirka arrimaha dibada ee Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar, ayaa cambaareeyay weerarkii gaariga loo adeegsaday ee shalay ka dhacay magaalladda Stockholm ee dalka Sweden.
Afar qof ayaa dhimatay 15 kalena way dhaawacmeen, ka dib markii gaari xamuul ah oo la soo xaday la jiirsiiyay dad wado marayay, sida police-ka ay sheegeen.
Wasiirka...
Maxkamad ku taalla magaalladda Hargeysa ee xaruunta maamulka Somaliland, ayaa laba sano oo xabsi ah ku xukuntay wariye Cabdi maalik Yuusuf Coldoon, oo in muda ah xabsi ku jiray.
Ehelada iyo Qareenaddii u doodayay wariye Coldoon, ayaa sheegay in ay racfaan qaadan doonaan, waxaana xukunka ay ku tilmaameen Sharci daro.
Xeer...
Wasiirka Arrimaha Gudaha dowladda Soomaaliya Cabdi Faarax Saciid Juxa, iyo Maamulka Galmudug ayaa isku afgartay in dib loo dhigo doorashada madaxweynaha maamulkaasi.
10 bishan April, ayaa la filayay in doorashada ay ka dhacdo magaalladda Cadaado ee xaruunta ku meel-gaarka maamul Goboleedka Galmudug.
Wasiirka Arrimaha Gudaha dowladda Soomaaliya Cabdi Faarax Saciid Juxa,...
Wasiirka Amniga Qaranka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Islow (Ducaale), ayaa xalay shaqadii ka joojiyay taliyaha saldhigga Booliiska degmadda Xamar-weyne G/dhexe Cabdulqaadir Axmed Shire.
Gaagaanle Siidow Macallin Isaaq, ayaa si ku meel gaar ah loogu magacaabay Taliyaha saldhigga Booliiska degmadda Xamar-weyne.
Wasiir Maxamed Abuukar, ayaa kormeer xalay ku tegay qaar...
Ciidamada booliiska dalka Sweden ayaa soo qabtay qof lagu tuhunsan yahay inuu ka dambeeyay weerar loo adeegsaday gaari weyn bartamaha magaalada Stockholm ayna ku dhinteen afar ruux tiro kalana ku dhaawacmeen.
Shaqsiga la qabtay ayaa la sheegay in uu markii hore ka baxsaday ciidamada, hasse ahatee markii danbe ayeey qabteen...
Ciidamada nabad-sugida maamul gobolleedka Jubbaland ayaa howlgal ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah xaafadaha magaalada Kismaayo waxaa ay ku soo qabqabteen walxaha qarxa iyo miinooyin la doonayay in loo adeegsado falal qaraxyo ah.
Axmed Maxamed Carab oo ka mid ah saraakiisha sar sare ee nabad-sugida Jubbaland ayaa warbaahinta u...
Dowladda Maraykanka ayaa muwaadiniinteeda ku sugan
Dalka Kenya iyo kuwa u safrayaba uga digtay rabshado laga yaabo iney halkaasi ka dhacaan Bisha August oo ah xilliga loo madlan yahay doorashooyinka dalkaasi.
Hadalkan oo ka soo baxay xafiiska arrimaha dibedda dalka Maraykanka ayaa lagu sheegay in ay dhici karaan dibed baxyo nabadeed...


















