Thursday, August 6, 2026
Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay Shirkii gogoshada wadatashiga qaran ee afartii cisho ee lasoo dhaafay ka socday magaalada Muqdisho kaa uu isniintii lasoo dhaafay furay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana ka qeyb galay madaxda Dowladda, Siyaasiyiin, Ururada Siyaasadda ee ka diiwan gashan Guddiga Doorashooyinka. Shirkaan waxaa laga...
Midowga Yurub oo kaashanayay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Hawlgalka Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), ayaa soo gabagabeeyay dhoolatus ciidan oo lagu magacaabay Green Shield. Dhoolatuskan oo ka dhacay xarunta tababarka General Dhagabadan ee duleedka Muqdisho, ayaa lagu sheegay inuu calaamad u yahay iskaashiga ka dhaxeeya Soomaalida, Midowga Yurub,...
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku eedeysay Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, inuu hor istaag ku hayo 17 mashruuc oo uu maalgelinayo Bankiga Adduunka, kuwaas oo la doonayay in laga hirgeliyo deegaanada Puntland si bulshada looga faa’iideeyo. Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya, Cabdiqafaar Cilmi Xaange, ayaa sheegay in dhammaan mashaariicdan...
Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ayaa si adag u beenisay warar lagu faafiyay qaar ka mid ah warbaahinta iyo baraha bulshada oo sheegayay in xubno ka mid ah ergadii Soomaaliya ee ka qeyb gashay Shirkii 113aad ee Shaqada Adduunka ee ka dhacay magaalada Geneva ay dalka dib...
Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa xaqiijiyay geerida Cabaas Maxamed Hool oo ka mid ahaa saraakiisha sar sare ee Al-Shabaab, waxaana lagu eedeeyay in uu ka dambeeyay weeraro lagu hoobtay oo ka dhacay Muqdisho iyo Shabeellooyinka. War saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa shaaca looga qaaday in Cabaas Hool uu...
Ciidanka Booliska ee maamulka SSC-Khaatumo ayaa gacanta kusoo dhigay 23 eedeysane oo lala xiriirinayo kufsi wadareed iyo jirdil  ka dhacay magaalada Laascaanood habeenkii Jimcaha, 14-kii Juun 2025, abbaaro 10:30 fiidnimo. Sida lagu sheegay war-saxaafadeed rasmi ah oo kasoo baxay Taliska Booliska, falkan ayaa lagula kacay labo gabadhood oo dhalinyaro ah....
Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga ah Soomaaliya iyo Shirkadda OYAK ee dalka Turkiga ayaa kala saxiixday heshiiska horumarinta kalluumeysiga Soomaaliya, oo muhiimad gaar ah u leh kobcinta dhaqaalaha Kheyraadka Badda ee Soomaaliya. Heshiiskan waxaa dhinaca Dowladda Soomaaliya u saxiixay Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga ah, Ahmed Hassan Aden, halka...
Israa’iil ayaa weerar cirka ah la beegsatay xarunta dhexe ee telefishinka qaranka Iran (IRIB) oo ku taalla Degmada Saddexaad ee magaalada Tehran, xilli uu si toos ah u socday barnaamij war ah. Weerarkan ayaa sababay qarax xooggan iyo qiiq ka kacay gudaha istuudiyaha, iyadoo weriyad Sahar Emami ay si toos...
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni ayaa sheegay in uusan wax rajo ka qaban shirka wadatashiga ee uu madaxweyne Xasan Sheikh gogoshiisa fididiyay, kaasoo maanta lagu waday inuu qabsoomo, hase ahaatee dib u dhacay. Madaxweyne Deni ayaa sheegay, Soomaaliya in aysan u baahnayn shirar “ma dhalays ah” oo aan sax ahayn...
Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah waxa ay u shaacisay dhamaashiyaha wejigii kowaad ee sahminta shidaalka ee ay waday Shirkadda Turkish Petroleum (TPAO), waxaana ay wasaaraddu sheegtay in ay shacabka Soomaaliyeed lasoo wadaagi doonto  natiija xogta la aruuriyey marka ugu horeysa ee...