Kulan ay isugu yimaadeen haween ka kala socdey ururada haweenka ayaa lagu casumey ra’iisalwasaare saacid oo sida la filayo xukuumadiisa ku dhawaaqi doona,waxaana markii shirku soo dhamaadey saxaafada la hadley afhayeenka ra’iisalwasaaraha cabdi xaaji goobdoon isagoo sheegey in haweenku soo bandhigeen talooyin iyo codsi intaba.
Waxaana codsigooda ka mid ahaa in ay codsadeen 30% in xukuumada laga siiyo,halka ay talo ku soo jeediyeen in afka soomaaliga maalin loo asteeyo lana xoogeeyo afka soomaaliga,iyadoo ra’iisalwasaruhu balan qaadey in uu sameynayo wixii awoodiisa ah,isla markaana uu soo dhaweynayo maalinta afka soomaaliga lana weyneyn doono insha allaah.
Kulankan ayaa imanaya iyadoo la filayo in dhawaan xukuumad lagu dhawaaqo,ra’iisalwasaaruhuna uu la kulmayo qeybaha bulshada iyo cid kasta oo taladiisu muhiim tahey,lamana oga waxa iyo sida ay xukuumada soo soctaa salka ay ku heyso ama ay u dhisantahey.




