Roobab lagu diirsadey oo muqdisho ka da’ey…..

0
537

Waxaa saacadihii la soo dhaafey dadka muqdisho ay kasoo kabanayeen kuleyl saa’id ah oo la dareemayey,waxaana allaah subxaanahu watacaalaa uu raxmadiisa ku shubey magaalada muqdisho.

Roobabka oo soomaalidu sanadkiiba labo xilli ay ku xisaabtanto ayaa sanadihii burburku waxey u badnaayeen kuwo aan si fiican u da’in,ka faa’iideysiga xaga dalaga beeruhuna wuxuu mar walba la ekaadaa hadba roobabka da’aa inta ay la egyihiin,waxaana la moodaa in sanadkani uu yahey mid barwaaqo ah,iyadoo ay jiraan dad aan hooy ay ka galaan roobabka heysan sida kuwa barakacayaasha muqdisho iyo goboladaba,hadana isku mid maahan abaar iyo aaran.

24kii saac ee la soo dhaafey ayey da’ayeen roobabku,cirkuna wuxuu u muuqdaa mid roob sida allaah heynooga dhigo mid barwaaqo iyo baraare wata oo aan shar wadanin,dadkuna uga faa’iideystaan si wanaagsan inshaa allaah.