Hawgal Lagu Xirxirayo Dadka Ethiopianka oo ka Billowdey Magaalada Boosaaso ee Maamulka Puntland.

0
627

Puntland ayaa xalay magaalada Boosaaso ka fulisay howlgal ka dhan ah dadka kasoo jeeda Itoobiya ee u badan qowmiyadda Oromada, kuwaas oo maalmihii lasoo dhaafay si aad ah ugusii qulqulaya halkaas.

Howlgalka oo ay fuliyeen ciidamada badda Puntland iyo kuwa booliiska, ayaa lagu xiray dad badan oo Oromo ah oo  lagu qabtay waddooyinka magaalada Boosaaso.

Waayadaan danbe magaalooyinka waawayn ee    Puntland waxaa aad ugusoo badanayay dadka kasoo jeeda qoomiyada Oromada, kuwaas oo shaqo doon ah.

Qaar kamid ah Oromada ayaa ku biiray kooxaha Daacish iyo Alshabaab, iyagoo magaalada Boosaaso ka geystay falal ka dhan ah amniga.

Hay’adaha amniga ee Puntland ayaa qaar kamid ah gacanta kusoo dhigay.

Saraakiil katirsan laamaha amniga Puntland ayaa Warbaahinta Warsom u sheegay in  maamulku uu qorshaynayo in dadkaan Oromada ah dib loogu celiyo dalkooda.