C/nuur Faarax Oo Ka Mid Ah Dagaalyahanada Ururka ONLF U Qaabilsan Bariga Africa Ayaa Sheegay In
Wada hadladii uga socday Jabhada ONLF& Dowladda Ethiopia wadanka Kenya gebi ahaanba istaagay.
Dowlada Ithopia Iyo Jabhadda ayuu Sheegay In ay isku mari wayeen Dastuurka Ethiopia kadib markii la soo jeediyey in Jabhada ONLF aqoonsato Dastuurkaas talaabadaas oo ay diideen Guud Ahaan Jabhadaasi.
Sidoo Kale Mr C/Nuur Ayaa Sheegay In Haatan Ay Socoto dadaalo diblumaasiyadeed oo la isugu soo dhoweynayay labada dhinac si ay mar kale dib ugu laabtaan miiska wada hadalada.
Ururka La Magac Baxay ONLF waxay dagaal hubaysan kula jirtaa Dowladda Ethiopia mudo aad u tiro badan bilihii ugu danbeeyey waxaa soo baxayey warar sheegaya in labada dhinac uu wada hadal uga socdo Kenya taas oo la xaqiijiyey.



