Dr.Gaas Oo Xilkii Ku Wareejiyey Raysal wasaaraha cusub Mr Saacid Iyo Madaxweyne Gur Guurte Oo Qudbad Ka Jeediyay Munaasabadda.

0
526

Munaasabad ay xilka kula kala wareegayeen Dr. Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) Ra’iisul wasaaraha Cusub Ee Somaliya iyo Dr. Cabdi weli Maxamed Cali {Gaas} Ra’iisul wasaarihii hore Ee Dowladdii TFG-da Ayaa Maanta Waxa Uu Ka Dhacay Gudaha Qariga Madaxtooyo Ee Magaalada Muqdisho

Xafladaani Sida Heerka Sare Loo Soo Agaasimay Ayaa waxaa ka soo qayb galay Prof. Xassan Sheekh Maxamuud Gur Guurte Madaxweynaha Jamhuuriyida Federalka Soomaaliya Golaha wasiirada, Xildhibaano, Siyaasiyiin iyo Marti sharaf kala duwan.

Dr.Gaas Ra’iisul wasaarihii hore ayaa Ugu horayntii ka warbixiyey wax qabadkii xukuumadiisa iyo guulihii ay gaartay mudadii ay jirtay, wuxuuna sheegay in ay meel fiican soo gaarsiyeen howshii ay u hayeen shacabka Soomaaliyeed xukuumada cusubna ay haysato fursado badan taas oo u suurta galin karta inay dhamaystirto howlihii qabyada ka ahaa xukuumadii hore

Ra’iisul wasaarihii hore ayaa Intaa Kadib ku wareejiyey Ra’iisal wasaare cusub Xilkii isagoona u rajeeyey inuu ku guulaysan doono howlaha horyaala maadaama uu yahay nin khibrad iyo aqoon dheeraad ah u leh arimaha Soomaaliya Ka Jira.

Dr. Saacid Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Ayaa Sidoo kale hadalo kooban ka jeediyey goobt isagoona Xusay Ina maanta xilka kala wareegayo Xukuumadii Badbaado Qaran,

Wuxuuna Yirr”
Anigoo kalsooni buuxda ku qaba Dr. Cabdiweli waxaana ku faraxsanahay in wixii la soo qabtay wax ka fiican uu Ilaahay ka rajaynayo inuu dalka ka qabto iyadoo taasna noo suurta galin doono waqtiga anagoo kaashanayna Madaxweynaha iyo shacabka Soomaaliyee” Mr Saacid”

Prof. Xassan Sheekh Maxamuud Gur Guurte Madaxweynaha Soomaaliya Ayaa Ugu danbayntii sheegay in dadaalkii ku salaysnaa isbadalka uu si wanaagsan u socdo taas oo Ka Markhaati ah sida xilkasnimada ku dheehantahay oo xilka laysugu wareejinayo caalamkuna ay aad ugu riyaaqsanyihiin in Soomaliya ay Jihadii fiicanayd ku socoto taasina waxay abuuraysaa kalsoonida shacabka iyo tan caalamka Intaba.