Waa kuma saxafiga raba in uu dad wax ka sheego balse isaga aan wax laga sheegi karin? Maqaal

0
598

Dad badan ayaa waxey isweydiinayaan waa kuma saxafiga raba in uu dad wax ka sheego balse aan isaga waxba laga sheegi karin?waxaana maanka kusoo dhaceysa marba hadii qofkani uusan isagu xamili karin in wax laga sheego saw gardaro uma muuqato in uu dad wax ka sheego,ama uu yiraa waxaan ahey saxafi?.

Waxaa dhawaan lagu qorey majelad lagu magacaabo thguardian warbixin uu diyaariyey wariye maqaam weyn saxaafada ku leh,kaas oo ku guuleystey jaa’isooyin caalami ah iyo kuwo local ah,wuxuu hore usoo bandhigey warbixino iyo barnaamijyo qiimo badan oo ku muteystey amaan iyo abaalmarin,dhawaan ayuu qorey warbixin tilmaameysa sababta ay u dhimanayaan ama loo dilayo wariyeyaasha soomaaliya isagoo sheegey in uu 3 ukala qaadayo sababaha wariyeyaasha loo beegsanayo,waana kuwan 3da uu u kala qaadey;
1 wariye aan aqoon badan laheyn saxaafadana ku dhex qasa qabyaalad iyo laaluush uu qaato.
2 wariye ka shaqeeya warbaahinta dawlada oo ay u beegsadaan sida askariga xarakada alshabaab oo dawlada kasoo horjeeda,wariyaha dawlada u shaqeeya iyo xarakada alshabaab u shaqeeya labaduba kuma shaqeeyaan dhexdhexaadnimo ee mid kasta wuxuu si cad oo muuqata ugu dagaalamaa ama uu ugu taageeraa mihnadiisa saxaafadeed taas oo keeneysa in ay ku milmaan ama ay dhexgalaan dagaalkii u dhaxeeyey labada awoodood ee iska soo horjeeda,labada dhinac saxafiyiinta u kala shaqeeya ayaa ay dhici kartaa in ay is ugaarsadaan oo isdilaan taasina waa mida keenta in la beegsado sida askeriga loo dilana loo dillo ama loo xiro.

3 iyo kuwo si caadi ah u dhinta ama shil gaadiid ha ku dhintaan ama meel ay si caadi ah u joogaan qarax haka dhaco,taasina waa mid dunida oo dhan ka dhacda,wariye jamaal maxamed cismaan oo ujeedadiisu aheyn in weeraro shaqsi ama shaqsiyaad ayaa waxaa warbixinta dhibsadey saxafiyiin maalin walba dad wax ka sheega,iyagoo aad moodo in jamaal uu warbixinta ku sheegey magac ama magacyo,marka laga reebo kan qaranka oo isaga laftiisu ka mid yahey(somali journalisty) hore ayaa somali u tiri farta iyo meesha bugta ayaa is og’e saxafiyiinta dhibsatey warbixintaasi oo banaanbaxey,sheegeyna in ay dacwad u qabaan jamaal maxamed cusmaan,goor walba dad ayey wax ka sheegaane hadii aan iyaga wax laga sheegi karin,maxey u leeyihiin maxaa naloo dilayaa wax baan sheegneye?mey iska daayaan mihnada wax sheegga?mise waxaa la inkiri karaa in saxafayiinta dhexdooda uu dagaalku ku dhexjiro?hadey taasi been tahey,waa maxey xanaaqa iyo dagaalka aad u qaadey saxafi aad isku mihnad tihiin?maad ka qaadatid waxa kaa anfaca warbixinta kana tagtid wixii aan ku anfacin,sideese noqon laheyd hadii magacaaga la soo qaato ama warbixinta lagu xuso?wariye jamaal maxamed cusmaan oo la soo fariisiyey idaacada leyska arko universal Tv ayaa ku adkeystey in aaney jirin shaqsi uu si gaar ah wax ugu dhimey kaliya uu sheegey daldaloolada jira,waxaana wax loo sheegaa in wax la saxo,ee wax looma sheego in baad aad hesho ama aad qabyaaladeyso mihnada aan wadaagno ee saxaafada soomaalida.