Maamulka Islaam La Dirirka Hargeysa, Puntland, TFG, Galmudug, Ahlu Sunah Iyo Qaramada Midoobay Oo Shir Ugu Furmay Magaalada Neirobi

0
563

Maamuladaan oo dhamaan u adeega reer Galbeedka ayaa maanta Shir wuxuu uga furmay Magaalada Neirobi ee Dalka Kenya waxaana shirkaasi lagaga hadlayaa danaha reer galbeedka ee soomaaliya ku aadan waxaana shirkaasi ka qeybgalaya Xogahayaha guud ee Qaramada Midoobay Gaal Panki Moon, Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Gaal Ogeystiino Mahiiga, Dan jiraha Ingiriiska U qaabilsan Arimaha Soomaaliya, Wakiilka Keynya ee Mareekanka Gaal Raam Beegar waxaana hogaamiyayaasha ee ka qeybgalaya Ka mid ah Madaxweyne Shariifka Soomaaliya R/Wasaaraha Soomaali Ameerikaanka Farmaajo oo labadooda horay u diiday in ay ka qeybgalaan shirkaan kii ka horeeyay Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Dr. C/raxmaan Maxamed Faroole Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Shariif Xasan Sh. Aadan, Galmudug Maxamed Axmed Caalim Wafdi ka socdo Maamulka Islaam la Dirirka Hargeysa oo Hogaaminaya Wasiirka Arimaha Dibadda iyo Xubno Ka socda kooxda Ahlu Sunah

Shirka ayaa intiisa badan lagaga hadlayaa danaha reer galbeedka ay kala yihiin Soomaaliya iyo Khilaafka hareeyay hogaanka TFG-da iyo Maamul Goboleedyada Shirka oo hada ka socda magaalada Neirobi waxaana shirka qeybtiisa hore ayaa galay hogaanka TFG-da iyo xubno ka socda golaha amaanka ee Qaramada Midoobe waxaana hada shirka ku jira Maamul Goboleedyada Soomaalida iyo Golaha Amniga ee Qaramada Midoobe Qeybta Dambana waxaa yeelanaya Ururada Bulshada ee Gaalada U Adeega iyo UN-ka

Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur oo la socda wafdiga gudoomiyaha baarlamaanka ayaa ka war bixiyay kulanka ay yeesheen hogaanka TFG-da iyo golaha amniga ee Qaramada Midoobe wuxuuna sheegay kulankaasi in lagaga hadlay sidii laga yeeli lahaa Augost ka dib wuxuuna Xildhibaanka ayaa wuxuu intaas ku daray Golaha amniga in ay soo jeediyeen in ay dhacdho doorasho ka dibna baarlamaanka waqtiga ay kororsadaan

Xildhibaan C/raxmaan C/Shakuur uu sheegay in uu halkaasi ka hadlay Madaxweyne shariifka Soomaaliya isagana uu soo jeediyay aragtidiisa ku aadan sidii laga yeeli lahaa TFG-da hadii la gaaro Augost

Shirka ayaa wali wuxuu ka socdaa Xafiiska Siyaasada Soomaaliya ee Qaramada Midoobe ee Magaalada Neirobi ee Dalka Kenya

Warar hoose oo shikaasi ay ka heshay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom.com ayaa wuxuu sheegayaa in shirkaasi uu ka soo baxayo Augost ka hor inay dhacdo doorashada Madaxweynenimo ka dibna baarlamaanka waqtiga uu kororsado

 

Wararka Soomaaliya (Warsom.com)

Mogadishu Somalia

Webmaster: Max’ud Max’ed Daahir (Carab)

Mogadishu Office

+25-26-15514953/+25-2699-995641

*(info@warsom.com & webmaster@warsom.com)