Waxaa in muda ahba loo dheg taagayey m/weynaha soomaaliya prof.xasan sheekh oo xusha ama ku dhawaaqa ra’iisalwasaare ay yeelato soomaaliya kaasoo isna laga sugi doono xukuumad tiro yar oo tayo badan.
Dadka ayaa hore waxey suuqa u geliyeen in m/weynuhu ku dhawaaqayo maxamed cabdullaahi farmaajo taas oo dad badani niyad jab awgiis ay hada quusteen waxaase beryahan warka suuqa yaala nin aysan sidaa u kala fogeyn oo lagu magacaabo Saacid faarax garaad,oo farmaajo ay isku beel kasoo wadajeedaan,waxaana la filayaa kama danbeyn in m/weyne xasan sheekh ku dhawaaqi doono ra’iisalwasaaraha uu xushey maalinta sabtida ama axada soo socota insha allaah,weyna dhici kartaa in ay kasoo hormarto ama ka dib dhacdo,war jiraase cakaaruu iman.




