Booqashada ugandha uu ku aadayo m/weynaha jamhuriyada federalka prof.xasan sheekh ma lagu micneyn karaa(nin xoog leh bey xaajo u dhamaatey)?

0
564

Dhawaan m/weynaha la doortey prof xasan sheekh,markii uu diidey ka qeyb galka kulanka qaramada midoobey,isla markaana uu booqdey gobolada baay iyo hiiran waxey dad badani naawilayeen in m/weynaha cusub aan lagu arag waxyaabo wadaniyiin jeclaan lahaa in ay mar uun indhaha saaraan m/weyne dadkiisa ku kalsoon,geesi ah oo ku tashada xooga dadkiisa islamarkaana aan ka hibeysan madaxda dalalka deriska ah iyo kuwa qaramada midoobey.

Hadaba waxaa hada soo ifbaxaya in m/weyne xasan sheekh uu booqasho ku tagayo dalka ugandha isagoo ka qeyb gelaya xaflada sanadguurada xoriyada dalka ugandha taas oo dad badani u qaateen in m/weyne xasan sheekh uu ku soo dhacayo wadadii lagu nacey hugaamiyaal isaga ka horeeyey,ugandha waa dalka ugu ciidamo badan ciidamada jooga soomaaliya,waxaana la oran karaa m/weynuhu taasuu xeerinayaa maadaama hore loo yiri (Nin xoog leh bey xaajo u dhamaatey) isla markaana sheekadu u dhawdahey lamood noqonse weysey.