Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in aan la aqbali doonin wax walba oo xagal-daacinaya halganka uu dhiigga u soo daatay ee dalka looga sifeynayo Alshabaab.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa hoosta ka xariiqay in dagaalka uu sii socon doono inta ay ku harsan yihiin Alshabaab taako ka mid ah dhulka Soomaaliya, wuxuuna ugu baaqay muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay garab iyo gaashaan u noqdaan difaacayaasha qaranka ee dhiigooda u huraya xoreynta dalka.
Tan iyo markii uu dhacay dagaalkii Cowswane waxaa soo baxayay warar sheegaya in saraakiil ciidanka Dowladda katirsan ay masuul ka yihiin guul darrada ciidanka Dowladda, taasoo keentay in ciidamadu kasoo baxaan furimaha dagaalka, inkastoo hadda dib loogu celinayo.
Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ayaa sheegay in gaaray waqtigii lala xisaabtami lahaa kuwa uu sheegay in ay ku tagri faleen awoodda ciidamadu lahaayeen. Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inuu isbeddel ku sameeyo saraakiisha hoggaaminaysa howlgallada militari ee ka socda Galmudug, si loosoo celiyo mooraalka ciidanka.












