Maxamuud Axmed Nuur ‘’Tarsan’’ Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa sheegay in qorshe lagu tirakoobayo dadka hubka heysta uu dhowaan ka bilaaban doono magaalada Muqdisho ayadoo tirakoobkaasina ay ku jiraan ilaalada guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir Oo Uu Sheegay In Ay Iyagu Qeyb KaYihiin Amaan Darida Ka Jirto Dalka Soomaaliya.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir Mr.Tarsan’’ oo ka hadlayay qorshaha lagu adkaynayo ammaanka gudaha caasimadda Muqdisho ayaa sheegay in la tiro koobidoono dadka hubeysan ee jooga degmooyinka gobolka Banaadir, iyadoo taasi ay mas’uul ka yihiin guddoomiyaasha degmooyinka si loo adkeeyo ammaanka guud ee Muqdisho.
Maxamuud Axmed Nuur ‘’Tarsan’’ ayaa intaasi ku daray in meelaha gaarka ah oo lagu tuhmayo kooxaha dambiilayaasha ah ay si deg deg ah uga howlgalidoonaan ciidamada ammaanka si bulshada looga Dhex Saaro Kooxa Amni Darada Ka Wada caasimada .
Baaqaani Ka Soo Yeeray Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur ‘’Tarsan’’ ayaa waxa uu ku soo beegmayaa Xilli Dhawaan Ay saraakiisha ciidamada ammaanka kullan looga arrinsanayay ammaanka ku yeesheen Gudaha Magaalada Muqdisho.





