Taliyaha socdaalka iyo jinsiyadaha oo sheegey in aan loo dulqaadan karin baaritaanka ay sameeyaan hey’adda socdaalka kenya!

0
656

Taliyaha socdaalka iyo jinsiyadaha dalka soomaaliya general gaafow oo saxaafada la hadley ayaa sheegey in airporka aadan cadde uu hadda xaqiijiyey laguna kalsoonaan karo maadaama uu soo gaarey buu yiri standerkii garoomada caalamka.

Gen. Gaafow ayaa sheegey in dawlada kenya laanteeda socdaalka ay si xun u baaraan ama ula dhaqmaan dadka ka duula garoonka aadan cadde ee muqdisho,isagoo intaa raaciyey waa in ley qadariyo laguna dhaqmaa xeerarka caalamka ayaan leeyahey laanta socdaalka dalka kenya.

Dawlada dalka kenya ayaa dadka soomaaliyeed ula dhaqanta si ka baxsan sida ay ula dhaqanto umadaha kale waana mid cadeyneysa cadaawada ay kenya u heyso soomaalida,waxaana xusid mudan dad ay ciidamada kenya ku laayeen baadiyaha qooqaani iyo duqeyn joogta ah oo ay jubooyinka ku hayaan ciidamada kenya taas oo madaxda iyo shacabka soomaaliyed ka jiifeen Gaafow horti waxa ay sameyneyso kenya waa in madaxda qaranku ka hadashaa hadii kale nama metelaan ayuu isna yiri gud.kuxigenka xisbiga midnimada jamhuuriga soomaaliyeed md.cali maxamed nuux timajilic oo dhawaan xisbigoodu war caro leh kasoo saarey dalka kenya.