HAY,ADDA FERO OO XAQUL CIID KA QEYBISAY DEGMADA AFGOYE IYO NAWAXIGEDA.

0
900

FERO(FAMILY EMPOWERMENT &RELIEF ORGANITION) oo ah ha,ad samafal kana howlgasha Somalia Gaar ahan Gobalka Banaadir iyo Sh/Hoose ayaa waxay Xaqal Ciid kaqeybisay Xaafado kamid ah Degamada Afgoye iyo Deegaano Hoos yimaada Gaara ahaan Xaafada Xaawa tako ,Cumar beere,galwari,Maguurto dhar ciid ah oo loogu talagay haweenka ku dhaqan deegaamadaas taas oo Qeyb ka ah howlo samafal oo xoogleh oo loogu Gargaarayo dadka kunool deegaamadaas oo aad ah u tabaaleysan,Hay,ada fero ayaa halkaas tagay Madaxa FERO Ustada sahro Ugaas iyo Ustada Mama Halimo .. ..  Oo wakiil ka ,ahayd Hay,ada UNFPA oo ayada ka howlgasha Dalka Somalia .

Sidoo kale waxaa Xaqal ciidkaas  FERO ay qeybisay ka faa,iideystay dad  gaaraya ilaa 1000 Qoys taas oo afarta Degaan ee hoosyimaada degmada Afgoye ee kala ah Xawa tako,Magurto,Galwari,Cumar Beere, looqeybiyay .

Deegaanka Galwari waxey ilaa qiyaastii 6km Konfur kajirtaa  Degamada Afgoye  Dadka Deegaanka Galwari waa dad iska danyar ah oo inta badan noloshoda ku tiirsan tahay Beeraha iyo wax yar oo haraadi ah oo xoolaha uga harey waxeyna ii shegeen in aysan xoolo badan u soo harin abaarta oo dheeraatay awgeed Deegaanka waxaa laga dhaqdaa  oo ugu badan waa Ariga,Markii aan wax ka weydiinay waxa ay u baahan yihiin waxay noo sheegeen in ay codsanayaan in loo sameeyo Ceelal iyo waro kuwaas oo aanu soo aragney una baahnaa habeyn xaga Muga ah iyo xaga balaca iyo Nadaafada.Sidoo kale Geedaanada sadexda ah ee Afgoye Duleedkeeda kuyaala waa isku mid xaga Baahida iyo saameynta Abaaraha ,Mahaystaan Biyo Nadiif ah,iyo

Waxbarasho iyo kaaba yaasha Nolasha Bini,aadamka oo dhan uu u baahan yahay mahaystaan ,sidaasi awgeed waxay u baahan yihiin Dhinac walba oo Gurmad ah in loo sameeyo FERO_na waxay balan qaadaysaa in ay intii karaan keeda ah in ay wax kaqaban doonto hadii alle Idmo.

Sawirada ayaga ayaa kaaga waramaya Xaalada ay kusugan yihiin dadkan

Bogaan ka Daawo sawiradii  oo kooban  iyo waliba shaqadii Qeybinta oo socota Madaxa FERO iyo Wakiilka Hay,ada UNFPA oo wada Qeybinaya iyo waliba Maamulka Afgoye oo Goob Joog ku ahaa halkaas.

Kaalmadaan xaqal Ciidka ah waxaa  ay hadaf keedu yahay Sadex qof oo haweenka kamid kuwaas oo kala ah Haweeneyda Uurka leh,Mida Nujineysa,iyo Gabdhaha Aan wali laguursan ee qaan gaarey waxaana arkeysaa in Sedexda qeyboodba ay hay,ada FEROn iyo Hay,ada UNFPA ay  Gaar siiyeen waxa ay ugu tala galeen ,

Waxa la Qeybinayay in kabadan 11 shey oo haweenka loogu tala galay oo kala ah @UlSabun ah,kastumo,Tamoni,suuf,Dacas,Dirac& Jalbaab,Firinbi,Shanlo,Ganbo Ilyar,toosh,batari, iyo waliba Boorso loogu Riday ashayaada,waxayna u qaybisay sidii loogu tala galay ,Hay,ada FERO waxay urajo weyn tahay in ay Mashaariic samafal oo kala duwan waxtarna u leh Bulshada somaliyed in ay fuliso sadexda Bilood ee Nagu soo aadan hadii alle idmo.

 

Waa Haweney Uur leh oo Maguurto.      Waa Galwari oo lasiisay oo sinimad ah u fadhiso.

Waa mamulka Afgoye.  Waa Madaxa FERO oo Qebineysa.  Waa gabdhaha Qaan Gaarka ah

SAWIRADA HALKAAN KAAGA MUUQDO WAA TULADA GALWARI OO LOO QEYBIYAY XAQUL CIIDOODII ILAA 255 QOF AYAA NASIIB U HELAY IN AY HELAAN BOORSADA KU CABEYSAN XAQUL CIIDKA HAL QOF.

 

Dareenka kujira in gabdhaha lataarged sado ayaa waxaa ay tahay xikmad ah in Hay,ada  FERO ay fahantay Taas oo Gabadha Kunool Tuulada kana dhalatay Qoys sabool ah oo abaaruhu saameeyeen in laga farxiyo Ciidaan qoyskana  -waa Hooyo iyo Aabee- dareemaan in Gabadhooda  ay ciideyso sida gabdhaha lamidka ah oo kale taas oo ay gabadhaas,na dareento shucuur ah mid farxadeed oo ay kuciidi karto kulana ciidi karto gabdhaha Asaaged ah ee kunool Tuulada ay kunoo shahay .

 

Sidoo kale hay,ada FERO oo ah Hay,adaha fara kutiriska ah ee ka howgala deegaanada Hoosyimaada magaalada Afgoye waxay ku tala jirtaa in ay wax badan ka qabato dhibaatooyinka Bini,aadanimo ee Haysta deeganadaas gaarsiisana hay,daha Caalamiga ah Dhibaatooyinak xaga Nolosha ee hasta Deegaanadaas ,waxayna u mahad celinaysaa hay,ada UNFPA oo ayada Bixisay kaalmada Kits-ka ah ayada oo dad aad ubadan oo  aad ugu baahnaa ay ka faa,iideysteen Deeqdaas Qiimaha leh FEROna ay u xilsaarneyd qeybintiisa .