DEBAD BAXYO IYO SHIRAR JARAA’ID OO LOOGA SOO HORJEEDEY FLIMKII LAGU AFLAGAADEEYEY NEBI MUXAMED NNKH OO SOOMAALIYA KA DHACEY!!

0
550

Waxaa si aad ah looga dareemayaa debed baxyo iyo shirar looga soo horjeedo flimki dhawaan lagu baahiyey aduunka kaas oo aflagaado u geysanayey nebi muxamed (nnkh) ayaa ka dhacey meelo badan oo gudaha soomaaliya ah waxaana kamid ah meelaha laga dhigey banaan baxyada gobolkan banaadir,gobolka galguduud,bay ,bakool iyo meelo kale.

Waxaa sidaas si lamid ah maanta shir ku yeeshey magaalada muqdisho xisbiga midnimada jamhuuriga soomaaliyeed kaas oo kusimaha ahna gudkuxigenka xmjs cali maxamed nuux uu ka hadley shirka kadib sheegey in xmjs uu naclad iyo cambaareyn dusha uga tuurayo mujrimka ka danbeeyey flimkaas iyo inta ka qeyb qaadatey soo bandhigidiisa iyo baahintiisa isagoo shacabka islaamka gaar ahaan kuwa soomaaliya ka codsadey in ay muujiyaan dareenkooda oo ficil wata isuna soo baxaan si ay diintooda u difaacdaan.

Dhanka kale gud.kuxigenka ayaa u sheegey dawlada mareykanka iyo dawladaha kale ee dhalashada siiyey gaalkaas in ay talaabo ka qaadaan maxkamadna la hor keeno hadii aaney taasi dhicina islaamku gacmahiisa ayuu ku aarsan doonaa insha allaah ayuu yiri gud.kuxigenka ahna kusimaha gud xmjs md cali maxamed nuux timajilic.