M/weynihii hore sh/sharif sh/axmed ayaa maanta si rasmi ah ugu wareejiyey madaxweynaha cusub prof xasan shekh maxamuud,shekh sharif ayaa kusoo wareejiyey qeybo badan oo ka mid ah aqalka looga arimiyo dalka soomaaliya isagoo sheegey in marxalado badan kadib ay halkan soo gaarsiiyeen muuqaalka madaxtooyada.
M/weynaha cusub prof. Xasan shekh maxamuud ayaa isagoo faraxsan sheegey in aanu maleyneyn in heerkan ay gaarsiisantahey madaxtooyada soomaaliya isagoo u mahad celiyey m/weynihii hore madaxdi iyo shaqaalihii halkan soo gaarsiiyey,isagoo m/weyne xasan shekh cadeeyey in shaqaalaha iyo madaxda m/tooyadu ay halkooda kasii shaqeyn doonaan marka laga reebo qofki hawshiisa gudanwaaya.
M/weyne prof. Xasan shekh ayaa u sheegey shaqaalaha m/tooyada in aaney sh/sharif u shaqeyn jirin isagana aysan u shaqeyneyn balse ay dalkooda iyo dadkooda soomaaliyeed ay u adeegayaan,una adeegi doonaan qofna in aan shaqadiisa looga qaadi doonin si qaldan,isagoo u rajeeyey hawl wanaagsan oo hufan.