Faysal Cali Waraabe oo soo dhaweeyay magacaabista Ergayga MW JFS ee arrimaha Somaliland.

0
521

Somaliland ayaa soo dhaweysay Magacaawista Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu Madaxweynihii hore ee Dowlad Gobaleedka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed u magacaabay Ergeyga Madaxweynaha ee Arrimaha Somaliland.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Somaliland ee UCID Faysal Cali Waraabe oo maanta Warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay soona dhaweenaya Ergeyga Madaxweynaha ee Arrimaha Somaliland kaas oo loo soo magacaabay Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in Ergeyga uu Soomaaliland waxbadan ka soo shaqeeyay gaar ahaan arrimaha Bini’aadannimada, waxa uu sidoo kale xusay in Guuleed kaalin uu ku lahaa wadahadallada dhexmaray Soomaaliya iyo Somaliland oo ka dhacay Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga Jannaayo 19, 2014-kii.

Wareegto ka soo baxday xalay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud u magacaabay Cabdikariim Xuseen Guuleed Ergayga arimaha Somaliland.

Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in Dowlada Federaalka ay ka go’an tahay xaqiijinta midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed, si taas loo gaarana ay u baahan tahay talo wadaag, is dhageysi, wadahadal iyo in xal waara laga gaaro tabashooyinka jira ee ay qabaan walaalaheenna ku nool Gobolada Waqooyi ee Somaliland.