Guddoomiye Yuusuf Madaale oo saxiixay heshiis lagu hormarinayo Muqdisho.

0
359

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Maxamud Cabdikariin Gabeyre ayaa si wadajir ah u saxiixay heshiis is afgarad oo lagu hormarinayo magaalada Muqdisho

Heshiiskan ayaa la xariira dib u qaabeynta ilaha Dhaqaalaha, Maalgashiga iyo Horumarrinta Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Kulankan lagu saxiiyay heshiiskan is afgaradka ah ayaa waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Mudane Ciise Maxamud Guure, Guddoomiye Ku-xigeenka howlaha ee Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Xasan Maxamed Jimcaale iyo xubnaha kala duwan ee Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed.