Madaxweyne Shariifka Soomaaliya Oo Ka Tacsiyeeyey Geeridii Ku Timid Meles Zenawi

0
617


Shariif Sheekh Axmed Madaxweynaha dowladda TFG-da Soomaaliya ayaa dowladaha Geeska Afrika midowga Afrikab Iyo Waliba Shacabka Ethopia, uga tacsiyeeyay geeridii ku timid Meles Zanawi R/wasaarihii dalka Ethiopia..
Shiikh Shariif Ayaa Soo Bandhigay Inta Uusan Naqan Madaxweyne Sida Ay Isku Ahaayeen Iyo Haatan Markii Uu Naqday Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Waxa Uuna Yirri
“Horey Waxaan Isku Qabnay Cadowtinimo Balse Haatan Waxaan ahayn dad isku fiican oo dhinac wax ka wada arki Jiray, in geeska Afrika uu noqdo dhul nabad ah, shucuubta iyo dowladaha geeska Afrikana uu dhex maro xiriir wanaagsan” ayuu Yiri madaxwene Shariif oo shir jaraa’id ku qabtay garoonka diyaaradaha ee Aden Cadde ee magaalada Muqdisho.
Ugu Dambeyntii Ayuu Shariif Axmed Waxa Uu Sheegay In Uu In Aysan Waxba U Dhimi Doonin Dagaalada Lagula Jira Xarakada Al-shabaab ISlamarkaana Ay Sii Socondoonto Ilaa Ay KA Nabadeynayaaan Dhulka Soomaaliya