Mudanayaasha Baarlamaanka Cusub Oo Fadhigoodi Labaad Ku Yeeshey Magaalada Muqdisho Doorteyna Guddigii Doorashada.

0
595


Gen.Muse Xasan kusimaha Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo shirguddoominayey Fadhigan ayaa waxaa ka soo qaybgalay inta badan Xildhibaanadii maalintii shalay la dhaariyey kuwaas oo kor u dhaafayay 180 Mudane.

WAxaa Loogu Dooday FAdhigan sidii loo dhisi lahaa guddiga doorashada, waxaana xildhibaanada isla qaateen in guddigu noqdo 15 xubnood kuwaas oo ka kala socda shanta beelood ee baarlamaanku ka kooban yahay Islamarkaana Meesha Lagu MAgacaabay Gudigaas.

15-kan Xubnood Ayaa La Sheegay In Ay LA Sheqeyn Doonaan Gen.Muse Xasan kusimaha Guddoomiyaha Baarlamaanka, waxanaa doorashada guddoomiyihu dhacaysaa maalinta Axadda 26 08.2012. Liiska Guddiga ayaa ka kooban 5 gabdhood iyo 10 nin:
Caasho Xaaji Cilmi
Xasan Macalin Xuseen
Nuur Iidoow Beyle
Maxamed Maxamuud Guure
Sahro Jaamac Cali
Ciise Maxamuud
Maxamed Ismaaciil
Khadiijo Maxamed Diiriye
Caadil Sheegoow Sagaar
Maxamed Warsame
Fowsiyo Maxamed Sheekh
Cismaan Libaax
Sahro C/qaadir
Ciise Maxamed Cali
Feysal Cumar Guuleed

Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa LA Shaaciyay In Uu si weyn ugu dheganyahay 6 xubnood oo beesha uu ka dhashey ka tirsan kuwaas oo guddiga ay soo celiyeen iyaga oo lagu eedeeyey in ay ka mid ahaayeen dagaal oogayaashii Soomaaliya, halka qaar kalena la sheegay in ay galeen denbiyo kale Islamarkaana Ilaa Iyo Haatan Cidkale Oo Badashay Uu Soo Bandhigin Shariif Axmed.