Qaramada Midoobey Iyo Dowlada Mareykanka Oo Soo Dhaweeyey Dhaarinta Xubnaha Baarlamaanka Cusub Ee Soomaaliya.

0
521

.
Qaramada Midoobey Iyo Dawlada Mareykanka ayaa soo dhaweeyey dhaarinta xildhibaanada cusub ee baarlamaanka Soomaaliya kuna tilmaameen guul U Soo Hoyatay,maadaaama khariidadii nabada hormar laga gaarey Islamarkaana Xalka Soomaaliya Uu Ku Xernaa Sidan.
Mahiga oo ah ergeyga gaarka ah ee ee Qaramada midoobay wakiilka uga ah Soomaaliya ayaa sheegey in dadaal badan oo odayaasha dhaqanku iyo gudiga farsamadu sameeyeen laguna gaarey hormarakan,isagoo hambalyo udirey xildhibaanada cusub ee baarlamaanka Haatan Loo Sameeynayo DAlka Soomaaliya.
Wuxuuna Mahiiga soo dhaweeyey dhaarinta xubnaha cusub ee baarlamaanka isagoo sheegey in ay aad ugu faraxsan yihiin ayna soo dhaweynayaan iney 20 sano kadib soomaaliya baarlamaan yeelato Dadaalkaasina Lawaday Waqti Badan.

Sidoo Kale Dowlada Mareykanka ayaa sheegtey inaysan u dul qaadan doonin cid walba oo isku dayda iney carqaladeyso hawlaha tubta nabadda ee soomaaliya Haatan U Dhalatay.
Dhanka Kalena Aqalka cad ee Dawlada Mareykanka war kasoo baxey ayeey ku sheegeen ineysan u dulqaadan doonin cidii isku dayda iney waxyeelayso hanaanka siyaasadeed ee Soomaaliya ka socda Laguna Doonayo In LAgu NAbadeeyo Soomaaliya

Jay carney Oo Ah Haweeneyda Afhayeenka u ah aqalka cad, ayaa sheegtey inay ka doonayaan soomaalida dhameystirka xubnaha baarlamaanka inta ka dhiman si Bey Tirri hanaanka geedi socodka loo sii ambo qaado hawlaha u dhimana La Dhameestiro.